Diyaaradaha Dagaalka Ee Yahuudda Oo Duqeeyay Magaalada Gaza.

Al-Qudus (Raacdo.com):- Diyaaradaha Dagaalka ee Yahuudda ayaa saacadihii lasoo dhaafay duqeyn xagga cirka ah ka geystay magaalada Gaza ee dhulka Filastiiniyiinta.

Duqeynta ayaa timi kadib markii Sawaariikh lagu garaacay qeybo ka tirsan dhulka Yahuuddu xoogga ku haysato ee xiga dhanka Gaza.

Weriye ka tirsan Tv-ga Aljazeera ayaa soo sheegay in diyaaraduhu ay duqeyeen Saldhig ay leeyihiin garabka Milleteri ee Ururka Xamaas ee lagu magacaabo Kataa’ib Cizzu-diin Al-Qassaam, kaas oo ku yaalla agagaarka Xerada Al-Maghaazi ee Jiidda Gaza.

Sidoo kale duqeyn ayaa ka dhacday hareeraha garoonka diyaaradaha ee dhaca bariga magaalada Rafax. Ilo-wareedyo ayaa sheegay in gawaadhida gurmadka deg-degga ah ay gaadheen halkaasi, iyadoo aan lasoo sheegin wax khasaare ah oo duqeymahaasi ay sababeen.

Ciidamada Milleteriga Yahuudda ayaa duqeynta ka hor sheegay in gantaal laga soo tuuray dhanka Jiidda Gaza uu ku dhacay Mandiqadda Al-Naqab Al-Gharbi, iyadoo taasi ay sababtay inay digniin bixiyaan Raadaarada gantaalaha ka hor-taga ee ku rakiban dhulka Yahuuddu ay xoogga ku qabsatay sanadkii 1948-dii.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii sidan oo kale ay Diyaaradaha dagaalka ee Yahuuddu ay u duqeeyeen magaalada Gaza, waxaana duqeyntaasi ay sababtay dhimashada labo ruux oo Filastiiniyiin ah.

Jamaacaadka Jihaadiga ah ee saldhigyada ku leh Jiidda Gaza ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay sii kordhiyay weerarrada gantaalaha ah ee ay ku qaadaan dhulka ay Yahuuddu gumeysato, iyadoo diyaaradaha dagaalka ee Sahyuuniyaddu  ay mar walba duqeeyaan magaalada Gaza, marka ay xoogagga Filastiiniyiintu qaadaan weerarrada gantaallada ah.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *