Diyaarad Sidday Dad Ka Badan 200 Ruux Oo Ku Burburtay Dalka Masar.

Al-Qaahira (Raacdo.com):- Diyaarad laga leeyahay dalka Ruushka oo sidday 224 Dalxiisayaal ah ayaa ku dul burburtay Waqooyi Bari Gobolka Seynaa ee dalka Masar, sida lagu sheegay war kasoo baxay Xukuumadda dalka Masar.

Hey’adda duulimaadka ee dalkaasi ayaa goor sii horreysay shaacisay in Diyaaraddaas ay ka baxday raadaarka wax yar kadib markii ay ka duushay Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee magaalada Sharma-Sheykh ee dalkaasi Masar.

Illaa iyo hadda lama garanayo sababta rasmiga ah ee ka dambaysa burburka diyaaraddaasi laga lahaa dalka Ruushka, balse Saraakiisha laamaha Socdaalka ee dalkaasi ayaa tilmaamay in diyaaraddu ay u dhacday cilad xagga farsamada ah.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Ka hor burburkii diyaaradda in laga maqlay Qalabka Isgaadhsiinta ee lagala socdo dhaqdhaqaaqa diyaaradaha, duuliyaha oo sheegaya inay jirto cillad dhanka Matoorka ah, iyadoo muddo kadibna raadaarka laga waayay.

Magaalada Al-Xasnah ee ku taalla badhtamaha Gobolka Seynaa ee dalka Masar ayaa laga helay burburka diyaaraddaasi, waxaana halkaasi gaadhay kooxaha gurmadka, si loo baadi-goobo haddii ay jiraan dad ka badbaaday shilkaasi, inkastoo loo badinayo in aanay jirin cid badbaaday.

Dhowr bilood ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale diyaarad laga lahaa dalka Indonesia ay ku dul burburtay bariga dalkaasi, waxaana ku dhintay dhammaan dadkii rakaabka ahaa oo tiradooda lagu sheegay 54 ruux.

Shilalka xagga diyaaradaha ee dunida ka dhacaya ayaa u muuqda kuwo isa soo taraaya mudooyinkii u dambeeyay. Bishii Maarso ee sanadkii lasoo dhaafay 239 ruux oo la socotay diyaarad laga lahaa dalka Malaysiya oo ku socotay  dalka Shiinaha ayaa la waayay, iyadoo sanad iyo dhowr bilood kadib aan raq iyo ruux meel lagu sheegin halkii ay ku dambeeyeen rakaabkii diyuuraddaasi la socday.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *