Diyaarad Kusoo Dhacday Duleedka Degmada Afgooye

Hargeysa (Raacdo.com):- Wararka ka imanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in diyaarad nooca xamuulka qaada ah ay mar kale kusoo dhacday deggaan hoos yimaadda degmada Afgooye.

Maanta duhurkii ayay diyaaraddu kusoo dhacday dhul hawd ah oo 25KM dhanka galbeed kaga beegan Afgooye, Waxaanay wararku intaasi ku darayaan in ay socdaan baadhitaano dheeri ah oo lagu ogaanayo dadka saaran diyaaradda iyo wadanka laga leeyahay.

Bishan gudaheeda ayay ahayd markii diyaarad xamuul ah oo laga leeyahay wadanka Masar ay kusoo dhacday isla duleedka degmada Afgooye waxayna diyaaraddaasi saad milleteri u siday ciidamada shisheeyaha AMISOM ee Soomaaliya ku sugan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *