Difaaceyaasha Xuquuqda Aadamaha Somaliland Oo Ka Dayriyay Khiyaamooyinka Guddoomiye Cirro

Difaaceyaasha madaxa banana ee xuquuqda aadamaha Somaliland, ayaa sheegay in sannadkan sii galbanaya ee 2014-ka ay dalka ka dhaceen dhacdooyin ugub ah oo uu ku eedeeyay Guddoomiyaha Wakiiladda ahna Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo uu tilmaamay inuu foojariyeeyay xeer muhiim u ahaa dalka.

Sidaasna waxa shaaca ka qaaday Guddoomiyaha difaaceyaasha xuquuqda aadamaha ee Somaliland Saleebaan Ismaaciil Bulaalle, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxaanu halkaasi kaga hadlay warbixin dheer oo ay ugu tallo galeen xuska maalinta xuquuqda aadamaha adduunka ee 10-ka December.

Warbixin dheer oo ay soo saareen difaaceyaasha xuquuqda aadamuhu waxa lagu majeertay dedaal weyn oo ay xukuumadd Jamhuuriyadda Somaliland u soo gashay horumarinta wadooyinka iyo adkaynta nabad-gelyadda wadanka.

War-Murtiyeedkaasi Oo Hal Ku Dhigiisa sannadkan ay ugu magac-dareen “Ilayska Dimuquraadiyada Dunida Muslimka Ah & Qaarada Afrika Waxay U Baahan Tahay Taageerada Igad, Au, Iyo Qaramada Midoobay Ka Hor Inta Aanay Bakhtiinin Kooxaha Xagjirka Ahi.” Waxaanay u dhignayd sidan:-
“Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyad-doonka iyo Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay guud ahaan shacbiga Somaliland iyo beesha caalamka ee ay isku aragtida yihiinba waxanu la qaybsanaynaa dareenkayaga aanu xusayno Maalinta Xuquuqda Aadamaha Adduunka 10 Dec. 2014.

.

Jamhuuriyada Somaliland sii dhamaanaya ee 2014, waxay wali ku naaloonaysaa guud ahaan mandaqada Geeska Afrika in ay noqoto dalka ugu wanaagsan dhinacyada heerka cabiraada xoriyadaha oo ay marayso 4.5, xoriyada rayidka oo ay marayso 5 iyo xoriyada siyaasada oo ay maraysa qiyaas dhan 4.

Gaadhitaanka Ciidanka Somaliand ee Taleex iyo Badhan ayaa sababtay in xaaladda nabad-gelyo oo deegaamadda bariga Somaliland hagaagto,waxaana laga sameeyay maamulo, shaldhigyo boolis, xarumo caafimaad iyo dugsiyo deegaanadaasi, sidoo kale waxay gaadhsiisay raashin caawimo ah oo ka yimid dalka Turkiga.

Sanadkan 2014, waxa guud ahaan dalka deegaamo ka mid ah si xawli leh uga socday dhismayaasha wadooyin laamiyo ah oo ay iska kaashanayaan bulshada iyo xukuumada, wadooyinka sida habsamida leh u socda waxa ka mid ahaa Wadada Dawga Cad oo ka dhaadhacda buuraha Golis ee u dhexeeya Caasimada Hargeysa iyo Ceel-sheekh xeebta badda Saylac, Wadada isku xidha Hargeysa ilaa Baligubadle iyo Wadada Cad ee Caasimada ku xidhaysa degmada Salaxlay. Hawshan dhismaha wadooyinka dalka ayaa ka mid ahayd siyaasadaha uu la yimid Madaxwayne Siilaanyo taasi oo si weyn ay u majeerteen dadwaynaha iyo dalal ka mid ah Midowga Yurub oo taariikhda markii ugu horaysay si toos ah ugu caawiyay xukuumada Somaliland malaayiin lacag cadaan ah si ay ugu dhisto wadooyinka laamiyada ah ee dalka ay ka wado.

Marka loo dhabo galo Xaalada Xuquuqda Aadamiga Somaliland ee guud ahaan sanadkii 2014, xadgudubyada xuquuqda aadamiga iyo xoriyadaha aasaasiga ahi ayaa dhinacyo badan hoos u dhacay marka loo eego xadgudubyada la diiwaangaliyay sanadihii 2010 – 2013. marka laga reebo tacadiyada ay la nool yihiin bulshada Somaliland ee la takooro oo iyagu dibada ka ah nidaamka cadaalada iyo Garsoorka Somaliland, maadaama sida qaalibka ah aanay ku lahayn xubno ciidamada kala duwan ee ammaanka, iyo hawlwadeenada garsoorka iyo Xafiisayada Xeer Ilaalinta ee degmooyinka dalka.

Bulshada la hayb sooco ee Somaliland kama helaan hay’ada sharci fulinta iyo garsoorka Somaliland wax cadaalad ah habo yaraatee, waxana la diiwaangaliyay beero iyo hanti ay ka haystaan xubno ka soo jeeda beelaha aqlabiyada ah. Sanadka 2014-ku waxa uu Somaliland ugu suntanaa sanadkii 4aad ee maamulka madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo xilka la wareegay badhtamihii sanadkii 2010 kadib markii uu Doorashadan madaxtooyada ugu guulaystay si weyn

Sanadkan 2014 waxa uu markii ugu horaysay dibada u soo baxay falal maamul xumo, wax is dabomarin iyo musuq uu ku kacay qaar ka mid ah shaqaalaha iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, falalkaasi oo ay ka dhalan karaan dambiyo khiyaamo qaran.

Nasiibdarro halkii falalkaasi lagu xalin lahaa qaanuunka iyo shuruucda dalka Golaha Guurtida ayaa meel mariyay qaraar dambi ka dhawrsanaan siinaya masuuliyiintii gaysatay falalka maamul xumada, wax is dabomarinta iyo musuq ah. Waxana talaabadan guurtidu xoojisay la xisaabtan la’aantii horeba uga dhex jirtay Golaha Wakiiladda, oo iyagu dantooda ugu fadhiya kuraasta.

Sanadka 2014, waxa kor u si kacay daneeyayaasha caalamiga ah ee rabta in ay maalgashi ku sameeyaan dalka, gaar ahaan shirkadaha baadhista shidaalka iyo kuwa macdanta oo badankoodu ka kala socdaan wadamada reer Galbeedka iyo dalka Shiinaha. Sidoo kale waxa xukuumada Somaliland wadahadalo gabo-gabo ah kula jirtay sanadkan 2014 shirkad laga leeyahay dalka Faransiiska oo rabtay in ay maalgashi baaxad leh in ay ku samayso Dekeda Caalamiga ah ee magaalada Berbera iyo dhismaha tareen ku shaqeeya quwada korontada oo isku xidha caasimada Itoobiya iyo magaalo Xeebeeda Berbera.

Sidii loo xaqiijin lahaa habsami u socodka hawlgalada sahaminta iyo baadhitaanka shidaalka Madaxwaynaha Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa soo saaray qaraar uu ku aasaasayo Ciidamda Ilaalada Shidaalka Oil Protection Unit, kuwaasi oo laga soo xuli doono ciidamadii dalka ee hore u jiray isla markaasina hoos tagi doona Wasaarada Arimaha Gudaha. Ciidamadan ayaa waxa maalgalinaysa shirkada weyn ee Genel oo sheegtay in ay tabobarka qalabaynta iyo hawlgalinta ciidanka ilaalada shidaalka ay ku bixin doonto adduun gaadhaya 25 milyan oo dollar.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay hoosta ka xariiqayaan in xukuumada Somaliland qaado talaabooyin ay talada badhkooda ka siinayso bulshooyinka ku nool deegaanada laga fulinayo sahaminta Shidaalka iyo macdanta. Si taasi loo suurtogaliyo waa in:
Xukuumada Somaliland barnaamuj wacyigalin ah oo si taxadar badan ay u wada diyaariyeen una fuliyaan Wasaarada Macdanta iyo Tamarta, la taliyayaal caalami ah oo takhasus u leh mawduuca, Shirkada Shidaalka/Macdanta, bulshada iyo indheergaradka deegaanka baadhista laga fulinayo
Waa in xukuumada Somaliland ka hortagtaa in cid kale qabsato maskaxaha shacabka Somaliland.

Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyad doonka Somaliland waxay soo dhawaynayaan abuuritaanka Hurinta Ciidanka Booliska ee Degdega u Jawaabta (Rapid Reaction Unit ‘RRU’), inkasta oo ay xisbiyada siyaasada ee mucaaridka ahi ay dhaliilo culus u jeediyaan ciidamadan sida gaarka ah u tabobaran, kuna dhaliilaan in ay gaystaan xadgudubyo xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga ah ee aadamaha. Taasi bedelkeeda Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland iyo ururada bulshada rayidka ah waxay qirayaan in abuuritaanka ciidanka RRU uu kordhay amaankoodii isla markaana tan iyo markii ay hawlgaleen ciidankan RRU ay istaageen hanjabaado mobilada loo soo marin jiray oo loogu hanjabayo in ay ka waantoobaan hawlaha xuquuqda, haweenka, caruurta iyo shaqooyinka ay ka hayaan hawlwadeenada ururada bulshada rayidka ah.

Sidoo kale Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay xogogaal u noqdeen tan iyo markii ay ciidanka RRU bilaabeen hawgalada ay ku sugayaan amaanka waxa hoos u dhacay shirqooladii kooxaha argagaxisada ahi ka fulin jireen dalka Somaliland inkastoo taasi bedelkeeda Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland ay diiwaangaliyeen in ay kor u kaceen dadka loo xidho tuhunada argagaxisadu tan iyo markii ciidanka RRU ka hawlgaleen dalka.

Waxana aan la dabooli karin doorka muhiimka ah ee ay RRU ka qaateen sugida amniga qaranka iyo ka hortaga dambiyada abaabulan iyo argagixiso.

Sidaasi darteed, Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay soo dhawaynayaan taageerada wax ku oolka ah ee Dawlada Ingiriisku ku bixiso tabobarada, qalabaynta iyo hawlgalinta ciidanka RRU ee Somaliland iyadoo ay markii hore aad u hoosaysay khibrada, aqoonta iyo qalabka hay’adaha amanka Somaliland gaar ahaan Boolisku.”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *