Dhaxanta Daranee Dhacaysa – W/Q Ladna Rashiid Cabdilaahi

Arrin ayaan u holaday inaan tibaaxo ama tilmaamo. waxa igu kalifay inaan qalinka qaato arrin ka gami waayey, arrin taabanaysa islaamnimada, bina’aadantimada, Somaalinimada iyo damiirka qofka kastaa oo in uun naxariisi qalbigiisa ku dambaysay.

 

Inkastoo dalkeena wax badan dayacan yihiin ,daryeelka bulshadu waa mid aad u liita dareen ahaan waad damqanaysaa marka kugu jiro damiir naxa .daafaha wadanka oo dhan arrimo badanbaa u baahan in masuuliyad la iska saaro keli keli iyo wadarba , si aynu isagu naxariisno Rabbi Swt yidhi u naxariista dhulka kuwa idinla jooga samadaa laydinka naxariisane” inaga la inagu imtixaanaya ilaahay xiskoodu umuu so celin kari waayin xiligan waxa lagu jiraa jiilaal wakhtigan dadka daryeelka u baahan in wax la taro ay tahay .

 

Markaad eegto dooxyada , meelaha sariibadaha iyo weliba gidaarada magaalooyinka waxa inagaga baylahsan dad badan oo dadkeena se xiskoodii wayay ,u baahan meel ay dhaxanta ka galaan meel ay wax ka cunaan dhaxantu waa cadaw bal kaba soo qaad adoo banaan seexda dhaxama ay ka cabanayaan kuwii guryaha diiran ku jiray ee bustaha hoosta kaga jirey , kii banaanka jiifay ee maryaha jeexjeexan xidhnaa kartoonkuna furaashka u ahaa bustuhuna u ahaa garanka jeexjeexan ama calalka yaree uu sito isagoo is kuusaya darbi ama meel xashiish yaal hoy ka dhigtay .

 

Dadka dhimirka wax ka qabaa waxay u qaybsamaan sadex kuwaas oo kala ah

 

1.Qaar dadkoodu lacag haystaan kuwaas oo la geeyo xarumaha dadka dhimirka wax ka qaba jeerkaasna  ma arkaan daranyo iyo dhibaato midna waxay helaan adeeg wanaagsan iyo xanaano.

 

2..kuwan kale oo dadkoodu  magaalada dagan yahay laakiin aanay dadkoodu haysan dhaqaale ay ku daryeelan ama ku geeyan meelaha lagu hayo dadka dhimirka wax ka qaba, kuwan magaalada lagu soo daayo waxayna ka mid yihiin dadka maskaxda ka buka ee ku dayacan magaalada inkastooy helaan dhar ama kabo ay xidhaan laakiin  hadday doonaan uma hoydaanba guryahooda.

 

3. kuwan ayaa ah kuwa ugu daran sababto ah waxay ka yimaadeen meel fog ama magaalada cid kuma leh habeenkii ma haystaan meel ay ku hoydaan ama hoy ay ka galaan dhaxanta iyo kulaylka qoraxda, huga ama dharku hadday ka dhamaadan ma helaa cid ka beddesha, cunto meel ay ka cunaan ma jirto silica ugu badani qoladan saddexaad ayuu ku dhacaa.

 

Dawlad iyo shicib ganacsade iyo shakhsi kastoo miyir qaba waxaa haboon inaynu indho naxariisa ku eegno ,dadkeena xiskoodii wayay ,caawintaa dadkaasi waa mid aakhiro la ina weydiin doono haddaynu sidaa indhaha ugu daawano haddaba Bulshooy ,waxa haboon in la is kaashado waxtarku haba koobnaade in loo damqado walaalaheena xiska wayay.

 

-Dawlada iyo Ganacsadayaasha kuwood waaweyn waxa la gudboon in dhisaan goobo xiliyada jiilaalka ka galaan dadkan xiskooda wayay goob taas haddii la dhiso loona xil saaro dad gaara ka shaqeeya wax weynbay ka taraysaa .

 

Bulshada qaybaheeda kala duwan oo iska kaashata cunta siinta dadkaa Tusaale quudinta wixii suura gala,sida cunadda fudud Roodhida ,shaah ,wixii kale bulshadu awoodaba taaso loo qaybin karo xiliyada ugu baahi badanyihiin Cashada iyo Quraacada .iyadoo loo xil saari karo dad qaybiya oo wakhtigooda ku bixiya sadaqo ahaan .

 

-In bustayaal go’yaal ay isticmaalaan la siiyo kolay maalintii meelaha ayay wareegayaan bustayaal fudud in dadka qurba jooga iyaguna ku tabarucaan maryahan ay daadiyaan in intay uruuriyaan ay u dhoofiyaan wadanka si baahida huga looga haqabtiro.

 

Goobaha cunta qaybinta wax laga sameyn karaa suuqa badhtankiisa ama meelaha magaalada dadku ku badanyihiin dadkaa xiskoodu dhiman yahay way la qabsanlahayeen haddii la joogteeyo ,wakhtigana cunta siinta meeshaasay u soo raadsan lahaayeen.

 

Aragtida qoddobada aan kor ku sheegay waa sida keliya een is idhi dadkaas waynu ku caawin karnaa ,kolay ka bulsho ahaan baylahadeenu way badantahay waan suur gal inay arrinkan qabano iyo inaynu sidaa ku dhaafno. balse waajibadka hawshani cidkasta way qusaysaa duruufaha nolosha dadkaasi waa mid guudkeena xilweyni ka saaran yahay .

 

qofkasta wax la gudboon inuu xitaa miskiin xiskiisii wayay shaadh ama funaanad siiyo ama buste isagoo ugu naxariisanaya Bini aadanimo .waad awooda inaad jab furina ama koob shaaha siiso qof xiskiisii wayay.
Kabadhka dharkaagu wuu buuxaa kuwii ka yaraaday iyo kuwii kaa batayba isku day inaad masaakiinta aan hayn ugu deeqdo si ay uga xidhaan  dhaxama iyo darranayda dhulka ku haysta .

 

Guntii iyo gunaanadki waxaan ku so gabagabayn lahaa gacmo wado jir ayay wax ku qabtaan “Wixii rag u kaco Rabbina aqbalo way rumooban”aan u kacno oon u istaagno wax u qabashada walaalaheena xiskii waayay aduun iyo aakhiraba abaalmarin xaga ilaahay ah ayan ka helaynaa Walaalayaal Cid kasta oo Allah  Rumaysan waxa laga rabaa inuu dareemo dhibta uu qabo qofka maanka dhiman ee ku sugan magaalooyinka Soomaalida  ee qofka maanka qabaa tol iyo taagba u yahay.dadkaas Miyirkoodii wayay inaga waayo inaga ayaa Rabbi inoo daayey miyirkii.

 

Tixdan yare gaaban ayaan idinkua dhaafayaa

 

Dalkeenna waxaa dhexyaalla,
Dadkeenna waxaa u yaalla,
Dusheenna waxaa kor saaran,
Wax badan oo dayac u baahan.

Inbaa dooxyada dhex jiifta,
Inbaa derbiyada ku laaban,
Inbaa daranyeysan gaajo,
Inbaa ku dullaysan baaho.

Dhaxanta daranee dhacaysa,
Qabawgiyo dayro-dhaafka,
Ma haysto cid daar u hoysa,
Ma haysto daryeel cid siisa.

Cirkaa u ah meel dugsiisa,
Dhulkaa u ah gogol u diirran,
Xanuunbaa dilay jidhkiisa.

Rabbiga dunidani abuurey,
Rabbiga dadka kala arsaaqa,
Rabbiga qaar derejo siiya,
U daayana qaar sidooda,
Ogow wuxu uga danleeyay,
Inuu kii deeq la siiyey,
Midkii taag daran wax siiyo.

Haddaynaan diir-naxaynin,
Dhibaatadu ina damqaynin,
Dareenkuna ina shaqaynin,
Islaamnimaduna digaynin.

Daliilbaa ina horyaalla,
Allaa ina daawanaaya,
Xaqqiisaa soo dillaaci,
Dhulkana wuu rogi dabeeto.

Hal-abuur Cabdiqaadir Qalinle

 

 

W/Q. Ladna Rashiid Cabdilaahi

Ladnafarax@hotmail.nl




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *