Dhaqanka Qofka oo Gawrac Labada Dhegood Loogu Simo Qaybtii 2′aad Faallo: Qalinka Xassan Cumar Hoorri

David Haines, Samafale Ka Soo Jeeda Ingriiska oo Kooxda Daacish Dhegta Dhiigga U Dartay Qaybtii hore ee qormadan waxaan ku xusnay David Haines (Hingiriis), James Foley iyo Steven Sotloff (maraykan) oo muddo bil gudaheed ah kooxda Daacish gawrac labada dhegood ugu simeen. Sidoo kale, waxaan soo tibaaxnay dhaqanka gawracu inuu soo jireen ahaa iyo in uu ahaa fal aad uga hirgalay Yurubtii hore. Isla markaa, waxaa aan kor ka xaadinay Boqrtooyadii Tibetan ee Buddhist-ka oo ku caan baxday in ay dhegaha ka jaraan cadowga. Taariikhdu waxaa ay sheegtay boqortooyada Tibetan in ay lahayd dooxo la odhan jiray “dooxadii Dhegaha Qudhmoon” (The Plain of Stinking Ears) tasoo oo lagu ururiyay dhegahii boqolaal kun oo askar markii ay jebiyeen boqortooyadii Mongoliyiinta.

Dhinaca kale, waayahii dadka Mayan ee 613BC (dhalashadii Nebi Ciise ka hor) ku dhaqnaa Waqooyiga Mexico waxaa looga daydaa in gunta laga siibo cidiyaha maxaabista. Xanuunka iyo dhiig fara badan oo ka soo hoobta tobanka farood waxaa ay keeni jirtay in maxaabistu ka xog-bixiyaan sirtooda iyaga oo ka baqanaya in cidiyaha laga siibaa. Hase ahaatee, waxaa taa biiyay, markii arrinku gaadhay in kurka laga guro maxaabiista taasoo noqotay xeeladda lagu baqe-geliyo ama loogu quus-gooyo cadowga.

Sooyaalka taariikhda waxaa laga reebay muuqaalo laga qoray dhagax ama qori amaba lagu xardhay derbi oo muujinaya qof kurka laga jarayo. Fircoonkii Masar, Ramses-ka 2aad waxaa derbiga ugu xardhanaa muqaalo fidsan afar jibbaar dherarka qof kuwaas oo lagu soo bandhigay iyadoo qoorta laga biraynayo maxaabiis ka soo jeeday Suuriya, Nuba iyo Liibiya.

Sidoo kale, 1894 markii ciidamadii Japan ee ku hubsaday Shiinaha, ayaa laga soo weriyay falxumooyin argagax badan. Sawirro ku kaydsan Matxafyada adduunka ayaa muujiya maxaabis Shiine ah oo laba-dible isugu xidhan iyadoo kolba mid loo taxaabayo kawaanka gawraca.

Falxumadu waxay ahayd mid laga bartay dawladahii awoodda badnaa. Boqortooyadii Britain (Hingiriis) ayaa dhaqamadaa bahalnimo u adeegsan jiray sida seef dhan kasta wax u xiirta. Mar waxaa ay si toos u gumaadi jireen dad ay gardarro iyo aabi ku haysteen dhulkooda iyaga oo si bahalnimo leh u adeegsan jiray gabbood-fal kasta oo abuuri kara cabsi iyo argagax. Mar kale, dhaqankaa bahalnimo waxaa ay ku shaabadayn jireen cadowga sidii ay yahiin bahalo aan waba reebayn si ay u jidaystaan gumaadka ama xasuuqa dadkaa aan waxba galabsan.

Sannadahii kontomeeyada, Boqortooyada Britain waxaa ay la diriraysa beesha Kukuyu ee dalka Kenya. Dadka oo ka gadooday dulmiga gumaysiga waxaa ka dhex dillaacay halkan la magac baxay Mau-Mau. Britain waxaa ay halgankaa ku sunteen in uu yahay mid bahalnimo oo u ooman gawrac, naafayn iyo dhiig. Waxaana ay u adeegsadaan awood dheeraad ah si ay xididada ugu siibaan.

Hase ahaatee, muddo ka dib, buug uu qoray Caroline Elkins, “Imperial-Reckoning-Untold-Story” (Xisaab-xidhka Boqortooyada iyo Sheekada ku Qarsoonayd) qoraagu waxaa uu ku daah-furay runta biyo kama dhibcaanka ah. Waxaa uu ku sheegay halganka Mau-Mau in uu adeegsanayeen hubka cad (faas, seef, mindi) iyo hub fudud oo aan tiro iyo tayo lahayn. Tirada saxda ah ee uu galaaftay halganku waxaa ay dhammayd keliya 32 askari oo ka mid ahaa ciidamada Boqortooyada Britain. Dhinaca kale, sida uu tibaaxay Elkins, waxaa Boqortooyadu xasuuqday (dil iyo naafayn) dad ka badan 90,000. Beesha Kukuyu inteedii kale waxaa ay ka qaxiyeen degaamadoodii oo u gacan galay Hingiriis taasoo keentay ilaa hadda dirkii gumaystahu in ay yahiin hantiilayaasha beeraha ugu faca iyo wax-soo-saarka weyn ee Kenya.

Sida darteed, warbaahinta reer galbeedku gawraca waxaa ay u dhigeen gabbood-fal argagax badan oo lagu lammaninayo Muslimka. Runtu se waxaa ay tahay in uu ahaa qaab ciqaabeed oo dunidu ku soo dhaqmaysay kumanyaal sannaddood. Shuruucda ciqaabta ee dunida reer galbeed waxaa ku soo arooray weedha “capital Punishment” (Ciqaabta Culus) taas oo macnaheedu ahaa in kurka laga jaro danbiilaha.

Ciqaabta noocaas ah waxaa laga guuray markii dawladaha Europe ay ku soo biirtay dood tibaaxaysa in muddo in uu sii jirayo dareenka xanuunku. In kastoo aan weli si cilmi ah taa loo caddayn, haddana waxaa la isla qirsan yahay madaxa oo dhulka yaalla in uu sii rafto, dubaaxiyo, indhahana laga arko dhaqdhaqaaq. Sida awgeed, iyo iyada oo loo cuskanayo dareen bani-aadannimo ayaa dunida tadhahday uga guurtay in denbiilaha lagu fuliyo ciqaabta kur-ka-jaridda.

 

Xassan Cumar Hoorri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Ku la xidhiidh horri@somalilandsun.com ama ku tixraac Twitter @horrimania




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *