DEG-DEG: Shirkii Golaha Dhexe Ee Kulmiya Oo Hadda Furmay + SAWIRRO

Hargeysa(Raacdo.com):– Shirka golaha dhexe ee Kulmiye ayaa goor dhawayd ka furmay hotelka Maansoor ee Hargeysa. Shirka ayaa lagu dooranayaa musharaxa madaxweynaha iyo kuxigeenka Kulmiye uga qayb gali doona tartanka doorashada 2017-ka.

Waxaa hadda socota yeedhinta Xubnaha Golaha Dhexe Ee Kulmiye iyadooo gabi ahaanba aanay goobtaaasi garabkii kale ee hore u qaadacay aanay kasoo xaadirin goobta.

Sida lagu wado waxa uu shirkani socon doonaa muddo laba cisho.  Waxa ku furmay jawi aad u deggan, waxaana la filayaa in uu saacadaha soo socda soo gaadho Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo isagu halkaasi ka cadayn doona hankiisa siyaasadeed.

Illaa hadda inta la ogyahay waxaa u tartamaya jagada musharaxa madaxweyne Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, halka ku xigeenka ay ku loolami doonaan Musharax Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye iyo madaxweyne xigeen Saylici.

La Soco Wixii Soo Kordha Insha Allaahu Tacaalaa….

Raacdo Media.

Hargeysa Somaliland.

1 2 3 4 5




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *