DEG-DEG: Sarkaal Ka Tirsan Sirdoonka Muqdisho Oo Saaka La Dilay + Dagaal Xalay Dhacay

Muqdisho (Raacdo.com):- Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay ka dagaallamay qeybo ka mid ah caasimadda Somaliya ee Muqdisho.

Xoogaggan  ayaa si gaar ah u badh-tilmaameedsaday fadhiisimaha ciidanka dowladu ku leeyihiin Degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Saldhig Ciidamada nabad-sugiddu ku leeyihiin agagaarka saraha Ceymiska ee Yaaqshiid ayey ahayd goobta sida gaarka ah uu weerarku ugu dhacay.

Mudo ayay socotay rasaastu lamana oga khasaaraha uu gaystay dagaalkaasi oo dhawaqa rasaasta meelo kala duwan laga maqlaayey.

Dhanka kale saaka Muqdisho waxaa lagu dilay mid kamid ah saraakiisha Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Xoogag hubeysan ayaa Dharkinlay ku toogtay Cabdalla Axmed oo ka mid ah saraakiisha ka howl-gala Garoonka diyaaradaha Ee Muqdisho.

Col. C/laahi ayaa ka tirsanaa shaqaalaha dhanka amaanka ee garoonka diyaaradaha. Sidoo kalena waxaa la xaqiijinayaa inuu ahaa madaxii sirdoonka ee shirkadda SKA.

Raggii dilkan geystay ayaa la sheegayaa inay goobtaasi si nabad ah uga baxeen. Mana jirto ilaa hadda cid sheegatay dilkaasi. Waxaase loo malaynayaa xoogaggii khaarajinta ee xarakada Al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee waxaa Dilkani uu imanayaa Xilli Maalin ka hor Muqdisho lagu dilay Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *