DEG-DEG: Qarax Kale Oo Ka Dhacay Albaabka Hore Ee Hoteel Saxafi + Khasaaraha Oo Sii Kordhay

Muqdisho (Raacdo.com):- Iyadoo wali ciidamada Alshabaab si buuxda gacanta ugu hayaan hoteel Saxafi, isla markaana ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda federaalku ay ka dagaallamayaan banaanka hoteelka ayaa sidoo kale waxaa banaanka hoteelka ka dhacay qarax culus.

Qaraxan oo ahaa mid culus ayaa waxa uu dhacay xilli gaadiidka Ambalaasyadu ay daabulayeen meydadka iyo dhaawacyada qaraxii hore iyo weerarka tooska ah ee weli ka socda gudaha hoteelka.

Wariye xilliga qaraxa labaad dhacay ku sugnaa agagaarka hoteelka ayaa war-fidiyeennada u xaqiijiyey in gaadhigu uu ku qarxay goob ay taagnaayeen saraakiil ka tirsan nabad-sugidda iyo wariyeyaal Caddaan ah oo doonayay inay sawirro ka qaataan hoteelka.

Sidoo kale warar hoose oo soo baxay ayaa sheegaya in sarkaal sare Gacmo-duuliye uu u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaadhay weerarka xooggaga Al-Shabaab ay saaka kula wareegeen gacan ku heynta hoteel Saxafi, walow aan si rasmi ah loo xaqiijin karin in Gacma-duuliye dhaawaca u geeriyooday.

Lasoco Waxii Soo Kordha.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *