DEG-DEG: Maanta Iyo Xubin Cusub Oo Iska Casilay Xukuumadda Siilaanyo…Waa Kuma?

Hargeysa(Raacdo.com):- Ambasador Axmed Aaden Dagaal (Axmed Safiina), oo wakiilka arrimaha xajka ee Somaliland, ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilka uu hayay. Waxa uu madaxweynaha u soo jeediyay inuu caddaaladda ogaado, balse ma sheegin sababta uu isku casilay.

Qoraal uu Ambasador Safiina ku baahiyay bartiisa Facebook ayaa u dhignaa sidan:-

Anigoo ah Ambasador ahmed Adem dagaal (ahmed Safiina) Safiirka somaliland ee arimaha Hajjka ee Sacuudiga Waxaan iska casilay xilkii safiir nimo ee Qaranka aan u hayay mudadii lixda sanno ahayd, waa ilaa wakhtigii madaxwayne Riyaale. waxaan u mahad naqayaa madaxwaynaha Mudane ahmed Maxamed Siilaanyo oo aan la soo shaqeeyay intii xilka aan hayay. Waxaana ugu baaqayaa inuu cadaalada ogoaado

Waxaan u Mahad celinayaa dhamaan intaanu soo wada shaqaynay Waxaan u shaqayn doonaa xujaajta intaan noolahay

Allaa Mahad Leh

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *