DEG-DEG: Jabhadda Al-Nusrah Oo Caawa Ku Dhawaaqday Inay Xoreeyeen Magaalada Ariixa Ee Dalka Suuriya

Dimishiq (Raacdo):- Dagaal culus ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday gobolka Idlib ee wadanka Suuriya ayaa haatan u muuqda mid lagu kala baxay.

Magaalooyin muhiim ah oo gobolkaasi ka tirsan ayaa maalmahanba si is-dabajoog ah ugu dhacaayey gacanta jabahadda Al-Nusrah iyo xoogagga Kacdoonka Suuriya.

Magaalada Ariixa oo ah xarunta gobolka Idlib ayaa noqotay mid maanta gelinkii dambe ay la wareegaan Jabhadda Al-Nusrah iyo xoogagga Kacdoonka Suuriya. Sidoo kale waxay la wareegeen deggaanno miyi ah oo ka tirsan gobolkaasi.

Magaaladan ayaa noqonaysa magaaladii ugu dambaysay ee ka tirsan gobolka Idlib oo lagala wareego nidaamka nusayriga Suuriya ee madaxweyne Bashaar Al-asad.

Jabhadda Al-Nusrah ayaa goor dhawayd oo caawa ah ku dhawaaqday in magaalada Ariixa ay xor tahay. Dadka muslimiinta ahina ay ka nasanayaan dhibaatadii uu ku hayey nidaamka nusayrigu.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *