DEG DEG: Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Oo Is-casilay

Garoowe (Raacdo.com):- Gudoomiyihii baarlamaanka Puntland Saciid Xasan Shire ayaa xilka iska casilay  sida ay sheegayaan warar aynu ka helnay  magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

ila iyo hadda lama oga sababta ka dambeesa in uu is casilo gudoomiyaha baaralamaanka Puntland, balase waxaa saakay jiray 40 Mmddane oo ka tirsan baarlamaanka Puntland oo  mooshin ka keenay gudoomiyaha Saciid Xasan Shire.

Xildhibaanada ayaa Mooshinkooda u gudbiyey gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Puntland.

Waxa ay xildhibaanada ayaa gudoomiyaha ku eedeeyey in uu gudan waayey shaqadiisa iyo qodobo kale oo la xiriira musuq maasuq, isla markaana waxa ay xildhaabanada mooshinkooda ku cadeeyeen in gudoomiyaha uu baajiyey shaqooyin muhiim u ahaa baarlamaanka.

Horseedmedia.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *