DEG-DEG: Dagaal Culus Iyo Qaraxyo Haatan Ka Socda Hoteel Saxafi Oo Ku Yaal Badhtamaha Muqdisho

Muqdisho (Raacdo.com):- Saaka aroortii hore ayay ciidamada Al Shabaab waxay weerar kula jarmaadeen mid ka mida hoteellada ugu waaweyn ee magaalada Muqdisho oo la sheegayo inay deggen yihiin saraakiil caddaan ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan DF-ka Somaliya.

Warar hordhac ah ayaa shegaya in Xoogagga Al-Shabaab ay si buuxda ula wareegeen gacan-ku-heynta Hoteelka waxaana qolalka hoteelka ka socda howl-gal gaar ah oo ay fulinayaan ciidamada Hoteelka qabsaday sida ay xaqiijinayaan  ilo-wareedyo muuhiim ah oo war-fidiyeennada Muqdisho soo xiganayaan.

Goob-joogayaal ayaa xaqiijiyay in ay maqlayaan Rasaas xooggan oo ay is dhaafsanayaan xoogaga weerarka qaaday iyo ciidamada ilaalada ka hayay hoteelka, weerarka ayaa ku bilaawday Qarax xooggan kadibna waxaa xigay in xoog ay ku galaan xoogag la sheegay inay si gaar ah u tababaran yihiin oo ka tirsan xarakada Al-Shabaab.

Hoteelka Saxafi oo ah hoteellada ugu caansan Muqdisho ayaa kuyaal agagaarka xarunta CID-da degmada Hodon ee  magaalada Muqdisho wuxuuna hooy u yahay inta badan dadka Ajaanibta ah ee usoo safra dalka Soomaaliya.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *