DEG-DEG: Ciidamada RRU-da Ugaadhsanaya Culimada & Ardayda Masaajiddada Wax Ku Barta

Ciidamada RRU da Somaliland ayaa maalmihii u danbeeyey magaaladda Hargeysa ka U Gaadhsanaaya Culimo iyo Dalabo Cilmi wax ka barta Masaajidda Hargeysa.

Ciidamo Farabadan oo Aad U hubaysan ayaa waxa ay hawlgalo ka fuliyeen degmooyinka Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe ee Caasimada Hargeysa,waxaanay ku soo qabqabteen dhallinyaro Culimo ah oo misaajidda Wax ka barata,Waxaana lala xidhiidhinayaa Xarakadda Alshabaab oo Ka dagaalanta Koonfurta iyo Badhtamaha Dalka Soomaaliya.

Dhallinyaradda La Qabtay ayaa Waxaa ku jira macallin Wax ka dhiga Machadka Daarul_Xikmah.

Macallinkan ayaa lagu magacaabaa Xamse Ismaaciil Saxardiid.
Waxaa iyaguna ku jira oo la qabtay Culimo badan oo kale.

Somaliland ayaa dhawaan galaysa doorashadda Madaxtooyadda waxaana la adkeeyey Amaanka guud ee somaliland,waxaa waddooyinka caasimada oo dhan lagu Arkayaa Ciidamada Booliska oo habbeenkii Baadhis ka wada Waddooyinka Caasimada oo dhan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *