DEG-DEG: Al-Shabaab Oo Gacanta Ku Dhigtay 12 Maxbuus Oo Isugu Jira Saraakiil & Askar Kenyaan Ah Oo Lagu Qabtay Dagaalkii Ceel-cadde

Muqdisho (Raacdo.com):- Xafiiska warfaafinta xarakada Al Shabaab ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu soo bandhigo Maxaabiis dowladda Kenya lagaga qabtay dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay degmada Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

Ilo-wareedyo ay warbaahintu soo xiganayso ayaa sheegaya in xoogagga Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen  12 isugu jira saraakiil iyo askar Kenyaan ah oo ka tirsanaa ciidanka difaaca Shacabka Kenya ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaan KDF.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *