Dawladda Uganda Oo Quus Ka Muujisay La Dagaallanka Al-Shabaab

Muqdisho (Raacdo.com):- War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Uganda ayaa lagu sheegay in fashil ay qarka u saaran yihiin duullaanada ka dhanka ah xarakada Al-Shabaab ee ka socda dalka Somaliya.

Sam Kutesa oo ah wasiirka arrimaha dibadda Uganda ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyay wakaaladda wararka Shiinaha wuxuu ku sheegay in dagaalka ciidanka Uganda ee qeybta ka ah AMISOM ay kaga jiraan Soomaaliya uu wakhti dheer qaatay isla markaana aan laga adkaan Xarakada Al-Shabaab.
“Dagaalka ay ciidamadayadu kaga jiraan Soomaaliya waqti dheer ayuu qaatay mana muuqato guul laga gaadhay Al Shabaab, waxaan aaminsanahay in hab milleteri aan Al Shabaab lagaga adkaan Karin” Ayuu yidhi Sam Kutesa

Uganda waxay sheegtay in aanu shaqayn doonin qorshaha Midowga Afrika ee dhigaya in awood lagu maquuniyo muslimiinta Soomaaliya ee xarakada Al Shabaab ay hor-kacayso.

Sam Kutesa ayaa ugu baaqay dowladaha Afrika in tabab iyo qaabab kale u wajahaan Al-Shabaab iyo Jamaacada Boko-Xaaraam ee Naigeria ka dagaalanta.

Warkan quusta muujinaya ee kasoo yeedhay dowladda Uganda ayaa imanaya Bil kadib markii weerar ka dhacay degmada Janaale ay xarakada Al Shabab ku dishay in ka badan 100 askari oo Ugaandhiis ah.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *