Dawladda Islaamiga Oo Weerarro Ka Fulisay Dalka Caasimadda Nayjeeriya Ee Abuja

Abuja (Raacdo.com):- Ugu yaraan 21 qofa ayaa dhintay tiro kalane dhaawacyo ayaa soo gaadhay kadib markii xoogag ka tirsan dagaalyahannada dowladda Islaamigu ay weerarro ka fuliyeen magaalada Abuja ee caasimadda wadanka Naigeria.

Weerar is-qarxin ah oo ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan dowladda islaamiga ah ayaa sababay dhimashada askar iyo saraakiil ka tirsan ciidamada booliska xukuumadda Abuja.

Bayaan kasoo baxay dowladda Islaamiga ah ayaa lagu xaqiijiyay in xoogaggoodu mas’uul ka ahaayeen weerarka, warka kasoo baxay IS waxaa lagusoo bandhigay magacyada iyo sawirrada dagaalyahanada weerarka fuliyay.

Mujaahidiinta Nigeria oo ku biiray dowladda Islaamiga ah ayaa bilihii lasoo dhaafay fulinayay weerarro khasaare xooggan lagu gaadhsiiyay ciidanka wadanka iyo dowladaha Afrikaanta ee qeybta ka ah duullaanka lagula dagaallamayo xoogaggaasi ee ka socda dalka Nigeria.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *