Dawladda Ethiopia Oo Ka Hadashay Aragtideeda Qaddiyadda Somaliland

Hargeysa(Raacdo.com):- Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Tedros Adhanom, ayaa sheegay in Itoobiya Somaliland u aragto qayb ka mid ah Somaliya islamarkaana in xal laga gaadho qaddiyadda Somaliland u taalo dadka Somalida ah.

Wasiirka, oo shalay ka qayb galay kulan ka dhacay London oo lagaga hadlayay dhaqaalaha iyo ganacsiga u dhexeeya Afrika iyo Shiinaha, ayaa qof Somali ahi oo shirka goob-joog ka ahaa wuxuu wasiirka weydiiyay mawqifka Itoobiya ee midnimada Somaliya iyo weliba sida uu u arko Somaliland.

Waxaanu wasiirku sheegay inay Itoobiya Somaliland u aragto qayb weli ka mid ah Somaliya “Waxaanay go’aan ka gaadhista arrintaasi [Somaliland] u taalaa Somalida.” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, isagoo raaciyay, “Somaliland waa arrin Somalida dhexdeeda ah oo u taala dadka Somalida.”

Ramaasnews

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *