Dawlada Masar Oo Askar Lagaga Dilay Koonfurta Siinay.

Al-Qaahira (Raacdo.com):- Sida ay tilmaamayaan wararka ka imanaya dalka Masar weerar Bambaano ayaa lagu qaaday gaadhi ay lahaayeen booliska koonfurta Siinay.

Inta la xaqiijiyay Laba ka mid ah Booliska ayaa dhimatay 9 kalena dhaawacyo ayaa soo gaadhay sida ay sheegeen ilo-wareedyo xaga amaanka ah.

Weerarkan ayaa ahaa Bam lagu aasay wadada dhinaceeda taas oo haleeshay gaadhi siday Boolis, wuxuuna ka dhacay duleedka magaalada Al-cariisha.

Ciidamada milatariga iyo kuwa booliska ayaa xiDHay halka qaraxu ka dhacay wuxuuna noqonayaa qaraxani kii Labaad muddo 24 saac gudahood ah ka dhaca gobolka Siinaay.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan balse weerarro horey uga dhacay Siinaay waxaa sheegtay dawladda Islaamiga.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *