Dagaallo Xooggan Oo Ka Socda Gobollada Al-Anbaar & Salaaxudiin Ee Dalka Ciraaq.

Baqdaad (Raacdo.com):- Wadanka Ciraaq waxaa dib uga soo cusboonaaday dagaallo xoogan oo u dhexeeya ciidanka Mujaahidiinta dowladda Islaamiga ah iyo Rawaafida wadankaas ku sugan.

Dagaallada ugu kulul waxay haatan ka soconayaan gobollada Al-Anbaar iyo Salaaxudiin, waxaana guluf-dagaaleed ku soo qaadey gobolladaas ciidanka Rawaafidda oo dooanaya inay la wareegaan dhul ku jira gacanta dowladda Islaamiga ah.

Maleeshiyaad aad u fara badan oo taageero dhanka hawada ah ka helaya Isbaheysiga Reer galbeedka ayaa dagaallo kulul waxay kusoo qaadeen magaalooyinka Ramaadi iyo Biiji, balse waxaa jilibka u aasey ciidanka dowladda Islamiga ah, kuwaas oo weli maamulaya magaalooyinka ay soo weerareen Rawaafiddu.

Marka laga hadlo magaalada Ramaadi waxay sheeganayaan maleeshiyaadka Rawaafidu iney horumar dhanka dagaalka ah ka sameeyeen difaacyada magaalada, balse waxaa wararkaas beeniyey goob-joogayaal ku sugan halkaas oo baraha bulshada isticmaala.

Ciidamada dowladda Islaamiga ah ayaa si aan caadi ahayn waxay u isticmaalayaan guutooyinka naftood-hurayaasha, waxaana tan iyo maalintii daraad dhacay weerarro naf-hurnimo oo ku dhow labaatan weerar.

Dhanka kale magaalada Biiji ee gobolka Salaaxudiin oo ay Rawaafidu isku dayayaan inay soo galaan ayaanay u suurta-galin marka laga reebo hal dhinac oo ay Ciidanka dowladda Islaamigu si xeelad ah ugu baneeyeen, iyadoo markii ay soo galeen lagu qaadey dagaallo kulul, waxaana warbaahinta Rawaafidu ay si cad u sheeganayaan in ciidankooda Biiji ku dhaceen Af-libaax.

Dhawaan war kasoo baxay dawladda Islaamigu waxay  sheegtay inay difaaci doonaan muslimiinta ku sugan magaalooyinka ay gacanta ku heyso, iyadoo ugu baaqdey shacabka suniyiinta magaalada Ramaadi ee dagaalkii hore kaga barakacay magaalada inay dib usoo laabtaan, isla markaana ay difaaci doonaan inta ay naf ku jirto askari ka mid ah ciidanka dowladda Islaamiga ah.

Wararka warbaahintu ay tebinayaan iyo waxa ka jira saaxada dalka Ciraaq gaar ahaan Ramaadi iyo Biiji ayaa kala duwan, waxaana maalintii shalay Ramaadi oo kaliya lagu diley wax ku dhow boqol Askari oo rawaafid ah sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Rawaafidda oo ku sugan gobolka Al-Anbaar.

Taliyihii guud ee ciidanka Rawaafida gobolka Al-Anbaar ayaa xilka laga qaadey kadib markii uu diidey amar kasoo baxay Mareykanka kaas oo ahaa inuu weerarro deggaano ku jira gacanta dowladda Islaamiga ah, waxaanu ku doodey inay rabaan in dhanka hawada laga taageero, waxaana xilkiisa loo dhiibey ku-xigenkiisii hore oo haatan ah taliyaha guud ee ciidamada Al-Anbaar.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *