Dagaallo Culus Oo Ciidanka Itoobiya ku Qabsaday Duleedka Degmada Ceelbuur Ee G/Galguduud.

Muqdisho (Raacdo):- Dagaallo culus ayaa ka dhacay deggaan kaabiga ku haya magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ee badhtamaha dalka Somaliya.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay ciidamada shabaabul Mujaahidiin weeraro culus ku qaadeen ciidamo Xabashi Itoobiyaan ah oo ku socdaalayay wadada xidhiidhisa Dhuusamareeb iyo Ceelbuur.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Itoobiya oo shalay duhurkii ku hakaday deggaanka Ceel-qooxle uu weerar xooggani qabsaday.

Jugtada madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay ayaa lagu warramayaa in laga maqlayay deggaankada isku xidha Dhuusamareeb iyo Ceelbuur.

Ciidamada Itoobiya ayaa weerarro joogta ah kala kulma dagaal-yahannada Al-Shabaab mar walba oo ay ku dhaq-dhaqaaqayaan wadada isku xidha Dhusamareeb iyo Ceelbuur.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *