Dagaalkii Hotel Saxafi Oo Galay Saacadii 7-aad & AMISOM Oo Miciin Biday Madaafiic Ay Ku Garaacdo Hoteelka.

Muqdisho (Raacdo.com):- Iyadoo aroornimadii hore ee saaka ciidamada Xarakada Alshabaab dagaal kula wareegeen hoteel Saxafi oo ku dhow garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa dagaalku waxa uu galay saacaddii Todobaad.

Gudaha hoteelka waxa haatan uu dagaal culusi ku dhex-marayaa ciidamada Al-Shabaab oo gacanta ku haya guud ahaan dabaqyada uu ka kooban yahay hoteelka iyo ciidanka Alpha Group oo iyaguna ka hoos dagaallamayaa gidaarka dhismaha hoteelka oo si aad ah u burburay.

Sidoo kale ciidamada AMISOM ayaa bilaabay inay madaafiic ku garaacaan qeybo ka mid ah dhismaha hoteelka oo ay ku go’doonsan yihiin saraakiil iyo xubno ka tirsan dowlada federaalka oo dhaawac ah, waxaana sidoo kale gudaha hoteelka daadsan meydadka saraakiil isugu jirta Cadaan iyo Madow.

Taliska nabad-sugidda dowlada Federaalka Somaliya ayaa dhawr jeer sheegay inay soo gabo-gabeeyeen weerarka hoteelka Saxafi balse ilaa iyo imika sida muuqata hoteelka xooggiisa waxaa gacanta ku haya ciidamada Al-Shabaab.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *