Dagaal Khasaare Lagu Gaadhsiiyay Ciidamada Kenya Oo Ka Dhacay Duleedka Kismaayo.

Muqdisho (Raacdo.com):- Wararka ka imanaya gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in dagaallo culus ay duleedka magaalada Kismaayo ku dhex-mareen ciidamada shisheeyaha Kenya iyo Shabaabul Mujaahidiin.

Dagaallada oo ahaa kuwo saacada badan qaatay ayaa yimi kadib markii ciidamada Al-Shabaab ay weerarro saf ballaadhan ah ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ciidamada Kenya wateen oo maraysay meel ku dhaw deggaanka Yoontooy ee kaabiga Ku haya Kismaayo.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ciidamada Kenya khasaare lagu gaadhsiiyay weerarka gaadmada ah ee lagu qaaday. Waxaanay wararku intaasi ku darayaan in wax-yeello xooggan la gaadhsiiyay qaar ka tirsan gaadiidka dagaalka ciidanka Kenya.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *