Dagaal Khasaare Culus Lagu Gaadhsiiyay Ciidamada Itoobiya Oo Maanta Ka Dhacay Galguduud.

Muqdisho (Raacdo.com):- Wararka laga helayo gobalka Galgaduud ee badhtamaha dalka Somalia ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay weerarro dhabbo-gal ah oo isku badalay dagaallo culus ay ka dhaceen qeybo ka mid ah gobalka Galgaduud.

Dagaalladu waxay ka dhaceen duleedka degmada Wabxo gaar ahaan wadada dheer ee isku xidha degmooyinka Wabxo iyo Maxaas ee gobollada Galgaduud iyo Hiiraan.

Weerarradan dhabbo-galka ah ee isku badalay dagaallada culus oo gaadhaya ilaa afar weerar ayaa loo dhigay kolanyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo ka baxay degmada Wabxo kuna sii jeeday dhanka degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan, waxaana dagaalladan la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya inay jiraan khasaara nafeed iyo mid hantiyadeed oo ciidamada Itoobiya lagu gaadhsiiyay weerarradaasi ka dhacay wadada isku xidha degmooyinka Wabxo iyo Maxaas, walow si rasmi ah aan loo xaqiijin tirada Itoobiyaanka kaga dhimatay weerarradaasi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *