Dagaal Culus Oo Xalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Raacdo.com):- Dagaal culus oo dhex-maray xoogagga Al-Shabaab iyo ciidamada dawladda Somaliya ayay wararku sheegayaan in xalay fiidkii uu ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dagaalkan ayaa dhacay kadib markii unugyo ka tirsan Al-Shabaab ay dagaal saf balaadhan ah ku qaadeen fadhiisimo ay ciidamada dawladdu ka samaysteen qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho.

Goobaha sida gaarka ah loo weeraray ayaa waxaa ka mid ah fadhiisinka ciidamada Nabadsugiddu ay ka samaysteen dhismaha Telefashinkii hore ee Somaliya oo ku yaalla isgoyska Towfiiq ee wadada Warshadaha ee degmada Yaaqshiid.

Dagaalkan waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay xaafado kala duwan oo ka tirsan magaalada Muqdisho. Waxaanay wararku intaasi ku darayaan inuu jiro khasaare ka dhashay dagaalkaasi.

Sidoo kale ciidamada Al-Shabaab waxey isla xalay weerar ku qaadeen isbaaro ciidamada dawladdu ay dhigteen Biyo Degga xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Hilwaa.

Dagaalkan ka dhacay Biyo-degga ayaa waxaa ka horeeyay bamboo-gacmeed lagu tuuray goobta isbaarada taasi oo sababtay dhimashada iyo dhaawaca askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Magaalada Muqdisho waxaa si xidhiidh ah uga dhaca qaraxyada, dagaallada iyo dilalka qorshaysan ee lala beegsanayo shisheeyaha iyo xubnaha dawladda Somaliya.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *