Dagaal Culus Oo Xalay Fiidkii Lagu Miray Ciidamada Somaliya Ee Degmada Afgooye

Ciidamada Al-Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday degmada Afgooye oo ka mid ah goobaha Ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda Somaliya kaga suganyihiin gobalka Shabeelada hoose.

Saldhiga iyo fadhiisinka ciidamada dowladdu kaga sugan yihiin degmada Afgooye ayay Xarakadu si gaar ah u beegsatay, waxaana dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay deggaano badan oo dhaca duleedka degmada Afgooye.

Sida ay wararku sheegayaan dagaalku markii muddo kooban uu socday ayay ciidamada dowladdu Bilaabeen iney degmada isaga cararaan iyagoo u baxsaday dhanka Wadada aada magaalada Muqdisho.

Dadka degmada Afgooye waxey war-fidiyeenka u xaqiijiyeen in ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay gudaha u galeen degmada Afgooye kuna Roondeeyeen wadooyinka degamdaasi.

Sidoo kale dadka degmadu waxey intaasi ku dareen in ciidamada dawladda khasaara nafeed iyo mid hantiyadeed-ba lagu gaadhsiiyay dagaalkan culus ee ka dhacay degmada.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *