Dagaal Culus Oo Maryo Dhiigle Lagu Kala Furtay Oo Maanta Dhex-maray Al-Shabaab & Ciidamada Galmudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee badhtamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culusi ay ka dhaceen deggaano hoos yimaadda degmada Cadaado.

Dagaalka oo ahaa mid saacada badan qaatay ayaa dhex-maray ciidamada Xarakada Al-Shabaab iyo ciidamada maamulka Galmudug.

Dad ku sugan gobolka Mudug ayaa warfidiyeenka u sheegay in maanta barqadii dagaal faraha lagaga gubtay uu ka bilawday tuulada Ceel-Cabdi oo qiyaastii 20KM u jirta deggaanka Cammaara.

Dagaalkan oo socday ugu yaraan saddex saacadood oo xidhiidh ah ayaa la sheegayaa in khasaare culus lagu gaadhsiiyey ciidamada Galmudug oo la sheegay in iyagu ay weerarka qaadeen.

10 askari ayaa la sheegayaa in laga dilay ciidanka Galmudug, iyagoo saddex Mayd ah-na kaga yaacay goobihii lagu dagaallamay. Taliyihii Hoggaaminayay ciidanka Galmudug oo magaciisa lagu soo gaabiyay Ashqaal ayay hubanti la’aan ka taagantahay xaaladdiisa nololeed.

Warar soo baxay oo warfidiyeennada qaar qorayaan ayaa sheegaya in Ashqaal uu u dhintay dhaawac halis ah oo gaadhay halka warar kale ay sheegayaan in isagoo dhaawacan loola cararay deggaanka Cammaara.
Sidoo kale waxaa dagaalkan maanta barqadii ka bilawday Ceel-Cabdi ku dhaawacmay madaxii PS-ta degmada Cadaado oo magaciisa lagu soo gaabiyay Joon.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamada Galmudug ay si dirqi ah ula baxsadeen 7 gaadhi oo Tigniko ah oo ku sigtay in ay gacanta u galaan xarakada Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dhammaan goobihii lagu dagaallamay ay ku suganyihiin xoogagga Al-Shabaab, halka ciidamada Galmudug oo dhimasho iyo dhaawac wata ay dib ugu laabteen Cammaara.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *