Dadweynaha Somaliland Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Maxkamad Soo Taagto Rayte Iyo Jamaal

Hargeysa (Codka Somaliland)-Qaar ka mid ah dadweynaha reer Somaliland ee ku nool goboladda Saaxil, Maroodi-jeex iyo Togdheer ayaa xukuumada Somaliland ugu baaqay in ay si deg deg ah Maxakamad u soo taagto Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte oo ah Mudane ka tirsan Golaha Wakiilada JSL, kana ka mid ah masuuliyiinta sare ee xisbiga WADDANI iyo Ninka Majaajiliistaha ahaan jirey ee mudada shanta sannadood ah sheegta Murashaxnimada Madaxweynaha xisbiga UCID Mr Jamaal Cali Xuseen (Jamaal Qoslaaye), kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay Ummadda reer Somaliland iyo dalkoodaba ka galeen dembiyo aad u culus oo khiyaamo Qaran ah, isla markaana ay si badheedh ah ula safteen cadawga JSL.

Dadweynahan oo ka jawaabayey hadallo dhiilo iyo fidmo abuur ah oo todobaadkan ka soo yeedhay labadaas nin oo ay saxaafadu baahisay, ayaa waxa ay intaas ku dareen in xukuumada Somaliland looga baahan yahay in ay gacan bir ah wax kaga qabato labadaas nin iyo cid kasta oo ka hor timaada mashaariicda kala gedisan ee wadanka lagu horumarinayo gaar ahaan kuwa la xidhiidha sahaminta shidaalka iyo khayraadka dabiicaga ah ee ay xiligan sahamintiisu dalka ka socoto. Kaas oo ay nimankaasi uga hadleen, isla markaana uga hor yimaadeen si la mid ah sidii ay uga hor yimaadeen, ugana hadleen dadka nacabka ah ee diidan horumarka iyo jiritaanka jamhuuriyadda Somaliland, sida dawlada federaalka ah ee Soomaaliya, Cali Galaydh, iyo dawladaha iyo ururada caalamiga ah qaarkood, kuwaas oo dhammaantoodba ku dooday in hawlaha shiidaal baadhista ah ee ka socda goboladda barri ay keeni karaan nabad-gelyo darro iyo dagaalo sokeeye, sidaas awgeedna loo baahan yahay in la joojiyo.

Labadaas nin ayaa hadalada ay saxaafada siiyeen ee dadweynuhu ka cadhooday waxa ay ku sheegeen in ay Somaliland nabadgelyadeeda iyo xasiloonideedu burburi doonaan, isla markaana ay dalka colaado iyo dagaalo sokeeye ka dhici doonaan, haddii aanay xukuumadu si deg deg ah u joojin guud ahaanba hawlaha shiidaal baadhista ah ee ay dalka ka wado iyo Ciidamada loo samaynayo ilaalinta nabad-gelyada shaqaalaha iyo shirkadaha dalka ka fulinaya hawlaha shidaal baadhista ah.

Bal aan soo qaadanno qeybo ka mid ah hadaladda deel-qaadka ah ee labadan hanfade ay qarankooda ku mijo xaabinayaan iyagoo aan is ogayn ay ugu qabaanayaan cadowga dalkan.

Xildhibaan Rayte oo lagu eedeeyo inuu hadlo xiliyadda uu mirqaansan yahay miyirkiisu ku takhlan yahay hiwaayaadka mirqaanka, waxa uu sheegay in ciidammadani ay dalka ka dhalin karaan dagaal sokeeye, waxaanu yidhi “Ciidamadan gaarka ahi waa Muftaaxii lagu furayey Dagaal sokeeye oo cusub, cida ka talisay iyo cida wada waa cid aan dan ka lahayn waxa ka iman doona waxyaabaha noocaas ah, waxaanan leeyahay ha la joojiyo qandaraasyada yar yar ee hunguriga ah ee lala ordaayo ee Madaxtooyada agteeda iyo hareeraheeda lagu bxinaayo,yaana loo faruur xidhin danihii Istaartijiga ahaa ee Ummadda cid gaar ah.”

Waxa kale oo uu ciidammaddii digreetadda madaxweyne lagu aasaasay ee booliska ah uu ku tilmaamay qaar ay leeyihiin sharaa’iga shiidaal baashistu taasi oo ah been abuur cad oo uu ka dhaadhicinayo dadweynaha xog ogaalka ah, waxaanu yidhi “Ciidamaada OPU-ga, ee la sheegayo inuu Madaxweynuhu aasaasay,marka hore waa Ciidamo Sharci darro ah, waxa alaalle waxa aasaas ah oo sharciya oo ay leeyihiin ma jirto,marka xiga Guddidayda arrimaha guddaha iyo amniga ee Wakiiladda, waxa tallo ah oo lagama weydiiyey ma jirto, wax aanu kala socono iyo wax aanu ka ognahay ma jirto, wax alaalle wax guud ahaan Barlamaanka laga weydiiyay ma jirto, oo dawladdu ugu baahatay ma jirto, waxaana waajib ah in marka la qaadayo tallaabooyinka noocaas ah in Xukuumaddu Barlamaanka ogolaansho ka hesho, haddii aanu Barlamaanku ogolaana Siyaasada Xukuumaddu maaha Siyaasad sharciya.”

Bal akhriste dhugo Xildhibaankan huwan xasaanaddu sida uu ugu badheedhay inuu qaranimadda dalka meel kaga dhacayo ee uu shacbiga u marin habaabinayo, waxa uu ciidammadda ilaalada sahaminta shiidaalka u nisbeynayaa inay yihiin qaar calooshood u shaqaysteyaal ah oo shirkadaha shisheeye leeyihiin, waxaanu yidhi “Ciidamada ilaalinaya Shirkadaha Shidaalku, waa Ciidamo ay iska leeyihiin Shirkadaha Batroolku, maxaa yeelay Lacagta Shirkadaha Batroolka ayaa bixinaya, 25-million oo Dollar ayey bixiyeen,waxayna ugu tallo-galeen Ciidamada tababarkooda iyo qoristooda, oo xitaa Mushaharkooda iyaga ayaa bixin doona, amarkoodana waxa yeelan doona Shirkadaha, dalkanna waa ka mamnuuc Ciidan hubaysan oo ka shaqeeya oo aan Ciidamada Qaranka ahayn, oo aan sidoo kale hoos iman Sharciga dalka iyo Dastuurka dalka iyo Barlamaanka dalka,waxa iman doona Ciidamada loo yaqaano Calooshooda u shaqaystayaal, oo dibada laga soo kiraysto, oo Ciidamada la sheegayo xukumi doona, haysan doona, hawl gelin doona, amri doona, tababari doonana, wey ka dhacday Puntland waxa ay ku dambaysayna waa la ogaa, Caalamkuna ma ogala, maxaa yeelay waa arrin lidi ku ah Sharciga Caalamku in Shirkadahaas Lacagta fara badan haystaa in intay Ciidamo sameeystaan inay dalalka qabsadaan, oo bari hore ayey dhulka qabsan lahaayeen.”

Jamaal Cali Xuseen (Jamaal Qoslaaye) isagu waxa uu dhaqan dabiici ah ka dhigtay inuu dalka iyo danaha qaranimo dagaal cad ku qaado, iyadoo dad badani ay aaminsan yihiin in dagaalka uu kula jiro dalkiisa aad moodo inaanu wax jiidh ahi ugu oolin ummaddan uu ka doonayo inay u doortaan mansabka madaxweyne ee uu sheeganayay shanta sanadood inuu murrashax u yahay, waxa uu si cad oo aan gabasho lahayn u weerar iyo aflagaadooyin ku hayaa dedaaladda lagu doonayo in lagu soo saaro khayraadka dihin ee wadanka, waxaanu eedaymo aan xad lahayn oo xaqiiqda ka fog u soo jeediyaa shirkadaha shiidaal baadhista ay xukuumaddu la gashay oo uu isku dayo inuu sameeyo ololeyaal lagu wis-wis gelinayo sharaa’igaasi si ay dalka uga cararaan.

Jamaal waxa uu warbaahinta la horyimaadaa isagoo xambaarsan dacaayadaha ay cadowga dalkani ku faafiyaan mareegaha Inter-netka, waxaanu farriimaha uu cadowga ugu adeegayo la shir yimaadaa isagoo aan iska shandhaynin xaqiiqdooda, bal aan in yar is dul taagno sida uu u mixnadeeyay ciidanka gaarka ah ee ilaaladda iyo sahaminta goobaha shiidaal sahaminta oo digreetadii lagu aasaasay lagu sheegay in yihiin farac ka mid noqon doona ciidan ka Booliska, waxaanu yidhi “Waxa aad maqasheen waxa la dhisayaa ciidan la yidhaa Oil Protection Unit oo ah ciidan ilaalinaya shirkadaha shidaalka baadhaya, waxaanan leeyahay ciidankaasi dalka fawdo ayuu ku abuuri doonaa. Dastuurka Somaliland ma oggola oo saddex ciidan qaran ayuu dhigayaa oo kala a;h ciidanka millatariga, booliska iyo asluubta, wax intaas ka duwanna waa mid jabinaya dastuurka qaranka.Dawladdeennu si badheedh ah ayey u samaynaysaa ciidan aan la garanayn cidda uu warbixinta u gudbin doono iyo cidda ka masuul ah. Waxaan leeyahay arrinkaas ha laga digtoonaado dagaal sokeeye ayuu innagu bilaabi karayaa. Dalal badan oo Afrika ah waxa khilaaf ku abuuray, colaadana geliyey ciidankaas oo kale oo ay samaysteen.”

Jamaal Qoslaaye waxa uu isku dayayaa inuu shacbiga ku kiciyo oo uu sumad khaldan ku dhufto ciidakankan cusub, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Bal tusaale ka soo qaado oo waxaad eegtaa ciidankaas oo tallada iyo go’aanka ka qaadanaya shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka baadhaya. Bal ka warran ciidankaas oo ay isku dhacaan dadweynaha ku nool deegaannada shiidaalka laga baadhayo? Halkaas fidmo ayaa ka abuurmi karaysa, dawladda Somaliland-na wax ay ka qaban karaysaa jiri mayso, sababtoo ah ninka askariga ah wuxuu amarka qaadanayaa cidda mushaharka siinaysa ee qoratay.”

Tobaneeye maalmood ka hor ayay ahayd markii uu abuuri gaadhay in dhiig ku daato magaaladda Gabiley, ka dib markii uu sheegay in askarigii xero ciidan oo ku taalla Qori-lugud,si ku tallo-gal ah loo sii daayay oo aan la isku hawlin qabashadiisa, taasi oo sababi gaadhay in mudahaarado iyo rabasho kale ka dhacaan magaaladaasi oo hadalkiisu noqday mid kiciyay dhalinyarro badan iyo dad badan oo shicib ah.

Geesta kalena waxaan akhristeyaashayadda sharafta leh qormadan ugu bandhigaynaa digreetadii madaxweyne Axmed Siilaanyo 27-kii bishii September ee aynu soo dhaafnay uu ku abuuray Waaxda Ilaaladda Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka ee Ciidanka Booliiska, iyadoo Rayte Iyo Jamaal ay indhaha ka qarsadeen in digreetadaasi lagu faahfaahiyay in ciidankan cusubi yahay laan cusub oo ka mid ah ciidanka Booliska.
Digreetada lagu shaaciyay aasaaska unnugan cusub ee ciidanka Booliska waxa madaxweynuhu ku yidhi sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2800/092014, ku abuuray, Aas-aasidda Waaxda Ilaaladda Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka ee Ciidanka Booliiska.
Madaxweynuhu Markuu Arkay: Qodobada 123aad iyo 124aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu aas-aasay Saddexda Ciidan Qaran;
Markuu Arkay:Faqradda 4aad ee Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo qoraya in Madaxweynuhu yahay Taliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka;
Markuu Arkay: Xeerka Nabadgelyada iyo Anshaxa Guud Xeer Lr. 51/2011
Markuu Arkay: Faqradda 4aad ee Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo sheegaya in khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka ay mas’uul ka tahay Dawladda Dhexe.

Markuu Tixraacay: Dedaaladda Xukuumaddu ugu jirto daah-furka khayraadka debiiciga ah iyo ka faa’iidaysiga khayraadka debiiciga ah iyo ilaalintiisa.

Markuu Garawsaday: Baahidda loo qabo xoojinta Amniga Goobaha iyo cid kasta oo ku hawlan Sahaminta iyo Soo-saarista Khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka;
Madaxweynuhu Wuxuu Go’aamiyey

Aasaasidda Waaxda Ilaalada Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka (Oil Protection Unit) oo laga soo xulayo Ciidammada Milateriga iyo Booliiska, kana tirsanaan doona Ciidanka Booliiska oo hoos yimaada Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Line Ministry), Xubnaha iyo qaab-dhismeedkiisana uu jaan-goyn doono Taliyaha Ciidanka Booliisku marka uu la tashado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.”

Si kastaba arrintu ha noqotee rayul caamka bulshadda Somaliland ayaa aaminsan in la gaadhay xiligii tallaabo sharciya laga qaadi lahaa Jamaal Cali Xuseen Iyo Ibraahim Rayte oo ah laba qof oo qori dab leh la wareegaya isla markaana aan ogolayn in khayraadka dalka laga faa’iideysto oo xukuumadda Somaliland ay dedaal weyn u gashay sidii looga manaafacaadsan lahaa khayraadkaas, oo ay shacbiweynuhuna qabaan inay tahay jidka dalka lagaga saarayo dhaqaale la’aanta baahsan iyo shaqo la’aanta bulsho weynta.


Xigasho:WARGEYSKA DAWAN




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *