“Dadkii sow tan haadkiyo, haanraawe boobeen” Qormadii 3aad

“Dhurwaaguba xabaalaha,

Kuma dhaadhaceenoo,

Kuma dhiirradeen ruux,

Celin kara dhawaaqee,

Markuu meydka dhiilliyo,

Dhaqdhaqaaq ka waayuu,

Hore ugu dhawaadaa,

Dhinacyadiyo feedhaha,

Muruqyada \ka dheegtaa,”

 

Maansada, Dhahar ee Maxamed Ibraahin Warsame, Hadraawi,

 

Hargeysa, 14/3/2015ka,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

 Hal-xidhaalaha Istanbuul

Hordhac: 

Istanbuul…….Istanbuul……Istanbuul ayaa beryahan dhegeheenna ka badatay. Magac magaalo oo ku cusub dhegeheenna ma aha. Haa! laga yaabee in uu da’-yarta ku cusub yahay, bal se tagtadeennii iyo waayadii hore waa la maqli jiray. Ma Turkigii xilliyada qaar dalka ka talinayay baa….Ma Bad-mareennadii iyo Bad-maaxyadii ayaa inoo keenay. Beryahaa hore waa la maqli jiray magaca Istanbuul. Beyd ku jiray maanso la odhan jiray Hammi oo uu tiriyay Sheekh Ismaaciil oo aan u malaynayo in uu reer Berbera ahaan jiray oo manaahiijtii Dugsiyada ku jiri jirtay ayaa ahaa: “Istanbuuli cadar layma marin, udugna way daaray.”Ninkii doobta weynaa ee Tmacaddena arartiisa waxa ku jirtay: “Istanbuul ha laga naadiyee, maan addimo caawa.” Hadda, waa xilli ku sinnaa dhowr iyo afartankii oo uu ku sugnaa Itoobiya. Malahayga beryaha qaarna, hablaha waa loo bixin jiray. Hadda waa sida aan is-leeyahay. Waa beryihii Yurub, Istarliin, Baarliin,Dahraaan iyo qaar kale oo la mid ahba lala bixi jiray. Waxa kale oo aad loo adeegsadaa magaca ama ereyga Turki oo ay Soomaalidu lababa u aanayso: xoogga oo ragga ah iyo quruxda oo dumarka ah.

Xaaji Af-qallooc ayaa laga hayaa: “Iyaba waa tabaalaha adduun, taynu aragnaa.” Xukuumaddeenna dhar-xidhashada iyo dhoofkuba u cusub yihiin, 26kii Juun, 2010kii ayay ku timid doorasho ay dadweynuhu codkooda si xor ah oo xalaal ah ugu dhiibteen. Dadweynuhu, is-beddelkaas markii hore si xamaasad leh ayay u soo dhaweeyeen iyaga oo ujeeddooyin ka lahaa, bal se aan Xisbigan aan la mahadin ee Kulmiye iska caashiqin. Waxay filayeen in ay ku ciil dhacsan doonaan. Xqiiqadiina waxay noqotay in ay doobiyo quus ah dib u durduurteen.

Tan iyo 1991kii, markii magaalada Burco lagaga dhawaaqay la-soo-noqoshada madaxbannaanidii Somaliland, waxa ka reebbanayd Xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland in ay wax xidhiidh ah la yeeshaan Xukuumadihii iskaga dambeeyay iyaguna dalkaa Soomaaliya. Hadda, Jamhuuriyadda Somaliland kama ay goosan dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray, bal se waxay la soo noqotay madax-bannaanideedii ay sida ikhtiyariga ugu darsatay Soomaaliya si loo xaqiijiyo midnimada dalalkii ama ummadihii la isku odhan jiray Soomaali-weyn oo aanay maanta fikraddaas waxba ka sii oollin. Waa sida ay tahay in ay dadku u fahmaan, una adeegsadaan la-soo-noqoshada halka ay dadka qaarkii ka adeegsanayaan ‘goosashada.’ Wax la goostay ma jiro bal se xornimo iyo madax-bannaani si fool adaga lagu hantiyay ayaa loo sadqeeyay mideyntii shucuubtii Soomaaliyeed ee gumeystuhu kala qoqobay.

 

Qaantii Lixdankii:

 26kii Juun 1960kii, Somaliland laba daw ayaa u furnaa. Mid waa ay dooratay, midna waa ay iska xidhay. Labadaa daw waxay kala ahaayeen: In ay gaarkeeda isu taagto oo ay noqoto Jamhuuriyad madax-bannaan oo iskeeda u taagan. Amba in ay ku darsanto ama raacdo Gobolkii kale ee Koonfureed ee Soomaaliya. Jamhuuriyaddii Somaliland ee lixdankii dhalatay, waxay door-bidday in ay ku darsanto ama raacdo Gobolkii Koonfureed, sidaasna ay ku samaysantay Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee lixdankii.

Go’aankan geesinnimada lahaa ee ay qaadatay Jamhuuriyaddii Somaliland maalintaa 1dii Juulay, 1960kii oo ku suntanayd maalinta xornimada Gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ayaa loo yaqaannay ‘Isku-darkii ama Is-raacii’, labadaas Gobol. Hadda, ogaada wax midnimo la yidhaahdaa ma ay dhicin oo iyada xaqiijinteedu waxay rumoobaysay marka ay shantii Gobol ee berigaa la isku-dari jiray is-raacaan, taas oo aan marnaba dhicin ee noqotay riyo beenoowday. Intii ay Somaliland u qaamaysnaan lahayd shucuubta Soomaaliyeed ee afarta Gobol ee kale ku nool ee la odhan lahaa isku-darkii iyo midnimadii iyagaa hagraday, Alleylehe afarta Gobol ee Soomaaliyeed ha u qaamaysnaadaan Somaliland. Maalin maalmaha ka mid ah oo aan fogayn ayay taariikhdu ka gar-niqi doontaa, abaal-gadkaa shacbiga Somaliland ku dhacay. Kaasi waa nabar.

Ibraahin Sheekh Saleebaan oo loo yaqaannay Ibraahin-gadhle, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’,  Maansadiisii Dir-sooc ee uu 6dii Abriil, 1990kii ka hor akhriyay Shirweynihii 6aad ee SNM, markii ugu horreysay, isaga oo ka maansoonayay siyaabihii loogu darsaday Soomaaliya iyo ujeeddooyinkii laga lahaa, miyaanu odhan::

 

“Lixdankii dadkaygow,

Markaad dawladnimadii,

Diiqada u bixiseen,

Deg-degsiinyo mooyee,

Doqonniimo ma ahayn,

manaydaan dembaabine,

 

Shantii kala dab-raacdaad,

 

Dermo qudh ah u gogosheen,

Isku-duubnideenniyo,

Daacad baad horseeddeen,

 

Shaxda kama il-duufine,

Sidaan damacsanaa iyo,

Sida Dooddi yeelaa,

Kala-durugsanaadee,

Dayrtii hillaacdiyo,

Deylo curashadeedii,

Daaqii ku soo baxay,

Diir iyo wax baa cunay,

Haddaan duubi wada jira,

Dedaalkaygi lagu helin,

Dar Allee abaalkay,

Waxa dumay ku suuree,”

Haddii uu Ibraahin-gadhle isku-darkii intaa ka yidhi, waxa iyaduna xus iyo xusuusba mudan tuduc ku jiray Deelleeydii 2aad ee Cabdi Iidaan Faarax ee Daad-wararac ee uu ku soo dhaweynayay madax-bannaanidii iyo Jamhuuriyad-noqoshadii Jabuuti 27kii Juun, 1977kii. Cabdi Iidaan Faarax oo maansadaa tiriyay  3/5/1980kii, waa kii lahaa:

 

“Dadka Reer Jabuutiya,

Dawladnimada tooda ah,

Cidna aan iskaga darin,

Waa deris walaalnimo,

Dugsi weeye gacalnimo,

Anigu waan ku diirsaday,

Lama dira-diraalayn,

Ha daar-daarin waa gobe e’,

Sidaas kuguma diiddani,”

Intaa iyo kadabaa markii uu ku yidhi Reer Jabuuti oo madax-bannaanidooda door-biday ayuu tuduc gaaban oo dardaar-werin ah ku tuuray nidaamkii Siyaad Barre ee markaa dalka ka talinayay, waxaanu intaa hore ku dabo-karay:

“Dood kalena waxay tahay,

Doon-doonisteennii,

Deg-deggii is-raacii,

Shantii la isku dari jiray

Didisaye u yeedh-yeedh,”

Wada-hadalladii 8aad:

Laga soo bilaabo bishii Feeberweri, 2012kii ilaa maanta waxa la kulmay toddoba jeer oo meelo kala duwan lagu shirayay sida London, Dubai, Istanbuul iyo Jabuuti. Markii 8aad ayaa lagu ballansanaa Istanbuul. Waxaa shirar dhacay wax ka soo baxay ma jirin. Laf baa toobin lagu hayay. Somaliland, nusqaan soo gaadhay mooyaan e’ waxba kama ay dheefin. Qarannimadii iyo madax-bannaanidii ayaa weydoobay. Ictiraafkii la raadinayay ayaa sidii doonnidii Nimco Yaasiin ku heestay bad-weynta ku sii durkaysay. Shirkan 8aad ee Istanbuul lagu ballansanaa ayaan suurtoobin markii wefdiga Somaliland Istanbuul ku diiday in ay la kulmaan wefdigii Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen shan xubnood oo dhalasho ahaan ka soo jeeday Somaliland.

Wefdiga Somaliland iyaga oo Hargeysa jooga ayay ogaayeen dadka iyo magacyada Somaliland ka soo jeeda ee wefdiga Soomaaliya ka tirsan. Sir iyo caadba xaqiiqadaa idaacadaha iyo TV-iiyada ayay ka sheegeen. Kuwa Soomaaliyana waa ay ogaayeen. Diidmadu ma ay dhicin intii carriga Soomaaliyeed la joogay, bal se waxay dhacday markii Istanbuul la isugu tegay. Dawgu wuxu ahaa in ay Hargeysa iyaga oo jooga diidaan, bal se waxay ka door-bideen in ay horto Istanbuul tagaan oo ay halkaa ku diidaan.

Akhriste, si aynu arrinka u wadaagno su’aasha ‘Miliniumku’ waxay tahay: Maxay wefdigeennu u doonayeen in ay marka hore Istanbuul tagaan? Maxay halkan ugu diidi waayeen?” Ka soo jawaaba oo saxaafadda u gudbiya.

 

(Dhammaad, waa inoo Sabtida dambe, haddii Eebbe idmo)




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *