DAAWO: Qaariga Jacfar Oo Naftu Ka Baxayso Isagoo Qur’aanka Akhrinaya TV-yadana Toos Looga Daawanayo

Ilaahay ha u naxariistee waxaa geeriyooday qaariga caanka ah ee Jacfar Cabdi Raxmaan xilli uu ka qeyb-gelayay tartan ku saabsan cod-wanaagga Qur’aanka Kariimka.

Boqolaal kun oo qof ayaa baraha Internetka ku faafiyay Jacfar oo naftu ka baxayso isagoo akhriyaya aayadaha hore ee suuratul Mulki.

Qaariga Jacfar oo kasoo jeeda dalka Indonesia ayaa markii uu akhriyayey aayadda  الَّذِي خَلَقَ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ طِبَاقًا  dhulka ku dhacay kadibna meydkiisa ayaa goobta laga qaaday.

Waxay aheyd munaasabad si toos ah Telefeshinnada looga tebinaayay oo dadweyne fara badan ay daawanayeen qiraa’ada qur’aanka Kariimka ee uu Jacfar Akhrinayay.

Malaayiin qof oo muslimiin ah ayaa baraha bulshada ugu duceeyay Jacfar C/Raxmaan oo ka mid ahaa qurraa’da ugu codka macaan caalamka islaamka waxayna Allaah SWTC uga baryeen inuu u dambi dhaafo oo uu u waasiciyo Janaatkiisa.

Daawo Qaariga oo naftu ka baxayso isagoo Qur’aanka Kariimka ah Akhrinaya.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *