DAAWO: Geesi Reer Filasdiin ah oo Askari Yahuudi Ah Qorigiisa Ku Dilay & Itoobiyaan La Dhaawacay + SAWIRRO

Qudus (Raacdo.com):- Shacabka muslimiinta Filasdiin ayaa sare u qaaday dagaalka ay kula jiraan dadka Yahuudda sahyuuniyadda ee xoogga ku qabsaday dhulalka barakaysan.

Wararka ka imanaya dhulalka la haysto ayaa sheegaya in weerar hor leh oo khasaara dhimasho iyo dhaawac dhaliyay uu ka dhacay goob istaan ah oo gaadiidka laga raaco.

Wiil dhalinyaro muslim Filasdiini ah ayaa toogtay askari ka tirsan maamulka Yahuuda isagoo dhaawacay 11 kale sida uu xaqiijiyay booliska Yahuudda.

Weerarku wuxuu ka dhacay degmada Bi’ru Sabcah xilli dadka yahuudda ay ku mashquulsanaayeen raacidda gaadiidka dadweynaha,wiil dhalinyara ah ayaa qori uu watay askari Yahuudi ah xoog kaga qaatay kadibna qoriga ayuu isla askarigii Yahuudiga ahaa ku toogtay waxaana xigay toogasho daran oo uu kula kacay dad Yahuud shacab ah oo Istaanka taagnaa.

Afhayeen u hadlay ciidanka Yahuudda ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay kamid yihiin dad Yahuud ah oo asalkoodu yahay Itoobiyaan, xaalad feejignaan ah ayaa lagaga dhawaaqay magaalooyinka Yahuuda.

f f1




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *