DAAWO: Faah-faahinno Laga Helayo Weerarka Hoteel Saxafi

Muqdisho (Raacdo.com):- Khasaare xooggan ayaa ka dhashay Weerar ay xoogagga Al-Shabaab ku qaadeen Hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho ahaana hoy ay deggan yihiin askarta iyo saraakiisha DF-ka Somaliya.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in dhimashada askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalku ay gaadhay 25, halka dhaawacana la sheegayo inuu kor u dhaafay 50 qof.

Burbur xooggan ayaa gaadhay Hoteelka Saxafi oo ka mid ahaa hoteellada ugu bilicda wanaagsan magaalada Muqdisho, isla markaana ay kusoo degi jireen dadka ajaanibta ah.

Warar horay usoo baxay ayaa sheegaya in xildhibaan Xasan Abshir Faarax uu ku dhintay weerarka balse warkaasi ayaa markii dambe beenoobay. Waxaase weerarkan ku dhintay Cabdi Rashiid ilqeyte oo ahaa milkiilaha hotelka.

Warar kale oo soo baxay ayaa sheegaya in dublumaasiyiin reer galbaad ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerarka waloow aan illaa iyo hadda si xadidan loo sheegin wadamada ay kasoo kala jeedaan.

Video baraha internet-ka lagu faafiyay ayaa muujinayay khal khal iyo cabsi daran oo soo wajahay ciidamada dowladda Federaalka Somaliya xilligii uu weerarku socday.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *