DAAWO: Dr Ayman Al-dawaahiri Oo Jihaadiyiinta Caalamka Ugu Baaqay Inay U Midoobaan Xoraynta Masjidul Aqsaa.

Kaabul (Raacdo.com):- Mu’asasada Al-saxaab ee garabka warbaahineed ee hogaanka sare ee Mujaahidiinta Al-qaacida ayaa baahisay kalimad maqal ah oo uu jeediyay amiirka guud ee Al-qaacidah Sheekh Dr Ayman Al-dawaahiri.

Kalimadda oo soconaysa mudo 15 daqiiqo ah ayaa waxa uu Dr Ayman Al-dawaahiri kaga hadlay xaaladda guud ee Masjidul Aqsaa iyo dhibaatada xooggan ee Yahuuda ku hayso Masjidka iyo Muslimiinta reer Filastiin.

Sheekh Dr Ayman Al-dawaahiri ayaa ugu baaqay Jihaadiyiinta Caalamka inay u midoobaan sidii ay u xoreyn lahaayeen Masjidka barakeysan ee Al-aqsaa oo gacanta ugu jira maamulka Yahuudda.

Sidoo kale Dr Ayman Al-dawaahiri ayaa si aad ah u amaanay weerarrada keligii-duulka ah ee ay fuliyaan Maslimiinta reer filastiin, waxaana uu ku cel-celiyay inay waajib tahay in Muslimiinta oo idil ay u midoobaan xoreynta Masjidul Aqsaa.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *