DAAWO: Al-Qaacidada Yemen Oo Filim Muuqaal Ah Kusoo Bandhigay Dagaal Lagu Laayay Xuutiyiinta Qaarkoodna Nolosha Lagu Qabtay

Yemen (Raacdo):- Xoogagga Al-qaacidda ee dalka Yemen ayaa baahiyay Muuqaal la daawan karo muddo 10 daqiiqo ah kaasi oo ay kusoo bandhigeen dagaal ay ku qaadeen qaar ka mid ah difaacyada maleeshiyaatka Xuuthiyiintu ay ka sameysteen qeybo ka mid ah gobalka Abyan.

Muuqaalkan waxey Mujaahidiinta Al-Qaacida kusoo bandhigeen gaadiidka dagaalka sida Taangiyada oo ay adeegsanayaan ciidamada Mujaahidiinta Al-Qaacida iyo sidoo kale Mujaahidiinta oo si toos ah ula wareegay gacan ku haynta saldhiga Xuutiyiinta lagu weeraray.

Sidoo kale Muqaalkan waxey Mujaahidiinta Al-Qaacida kusoo bandhigeen maleeshiyaatka Xuuthiyiinta oo inta uu dagaalku socday ka cararaya goobta dagaalka, sidoo kale waxey soo bandhigeen hub fara badan oo ay qabsadeen iyo qaar ka mid ah maleeshiyaatka Xuutiyiinta oo nolasha lagu qabtay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *