Daalibaan Oo Dhulka Soo Dhigtay Diyaarad Drone Ah.

Kaabul (Raacdo.com):- Ciidamada Cirka Mujaahidiinta Imaarada Islamiga Afghanistan ayaa shalay dhulka soo dhigay diyaarad nooca basaaska aan duuliyaha lahayn, iyadoo faah-faahino dheeraad ah laga helayo diyaaradaasi.

Diyaaradda Drones-ka ah ayay ciidamada Mujaahidiintu kusoo rideen duleedka degmada Naki oo ka tirsan gobalka Paktika, waxaana diyaaraddan oo dowladda Mareykanku leedahay ku guda-jirtay hawlo basaasnimo ah.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa burburka diyaaradda ka qaaday goobtii ay kusoo rdieen, waxayna diyaaraddu u kala go’day dhowr gabal, taasi oo muujineysa sida ay xoogagga Daalibaan ay gantaalka ula heleen diyaaradaasi.

Ciidamada Cirka Mujaahidiinta Imaarada Islamiga ayaa dhowr jeer dhulka soo dhigay diyaarado Drones iyo sidoo kale diyaarado dagaal oo u badan Helecobtar kuwaasi oo ay lahaayeen dowladda Mareykanka, isbaheysiga NATO iyo xukuumadda Afganistan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *