Daalibaan Oo Dagaal Kula Wareegtay Magaalo Istiraatiiji Ah.

Kaabul (Raacdo.com):- Wararka laga helayo dalka Afghanistan ayaa sheegaya in shalay ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamigu ay dagaal kula wareegeen degmo istiraatiiji ah oo ka tirsan gobalkaTakhar ee dalka Afghanistan.

Magaalada Istiraatiijiga ah ee ciidamada Daalibaan ay dagaalka kula wareegeen ayaa lagu magacaabaa Raqad’ iyadoo magaalada dagaal lagaga saaray ciidamadii dawladda Afganistan ee ku sugnaa degmadaasi.

Ciidamada Daalibaan ayaa dagaalkaasi ku qabsaday 5 Gaadhi oo ah gaadiidka gaarka ah ee dowlada Mareykanku ay siisay xukuumada Afghanistan, waxayna sidoo kale Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen Bakhaar ay ka buuxaan saanad ciidan, sida hubka culus iyo midka fudud.

La wareegida Daalibaan ay la wareegeen degmadan ayaa kusoo aadeysa saacado kadib markii kalimad uu jeediyay amiirka Imaarada Islamiga Mullah Akhtar Mansuur wacad ku maray in ciidamada Mujaahidiintu ay sii xoojinayaan dagaalka jihaadka inta caalamka oo idil lagu wada xukumayo ku dhaqanka Shareecada Islaamka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *