Cirro Oo Godkiisii Loogu Dhacay + Ibo-Furka Jidhif + Aamusnaanta Gaboose + Feejignaanta Musdanbeedka Iyo Dabaylo …..

Hargeysa (Raacdo.com):– Xisbiga Waddani oo ah Xisbi Ku soo baxay Doorashooyinkii Golaha Deegaanka ee ka Dhacay Dalka sannadii 2012 ayaa Saddex Jirsaday .

Waxaana Xisbigani lagu tilmaama in uu yahay Xisbi U Afduuban Koox kaliya oo ah Musdambeedka Xisbiga isla markaana isku hayb ah , kuwaas oo isku xusul duubay Maamulka iyo hagidda Xisbiga iyagoo awoodahana ka faro maroojiyay xubnaha Xilalka ka haya ee ka soo jeeda Deeganada kale ee Somaliland .

Sidoo kale Xisbigan waxa Isla Sannadkan ku yimid Dildilaac sababay in ay Siyaasiyin Xilal sarsare ka hayay Xisbigaasi ay Dharaar cad ka huleelaan .

Waxaa xusid Mudan in masuul kasta oo iska Cassila Xisbigani uu ku sababeen jiray is Casiladiisa in taladii Xisbigu ku uruurtay Koox kaliya isla markaana uu Xisbiguna u noqday mid u afduubnaada Kooxdaas .

Sida laga wada Dharagsanyahay Xisbiga Waddani wali si rasmi ah uma dooran Murashaxiisa Doorashada Madaxtinimo uga qeyb galaya iyadoo Kooxda isku haybta ah  ee Musdanbeedka Xisbiguna Jagadaasi u Asteyeen in uu Noqdo Gudoomiye Cirro .

Geesta Kale Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) oo ah Taliyihii Hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland kana mid ah masuuliyiinta Xisbiga Waddani ayaa maalmihii ugu danbaysay Shirar doceedyo la yeeshay Xubno, Waxgaradka iyo Aqoonyahanka ka soo jeeda Deegaankiisa .

Waxaana wararku intaa ku daryaan in in Siyaasi Jidhif iska Sharaxayo Xisbiga WADANI  dhawaana uu si wayn u shaacin doono .

Talaabadan ayaa noqotay mid Furtay albaab iyo waddo halaq mareen Cusub oo Gudoomiye Cirro in badan iska Ilaalinayay Balse uu Jidhif ibo furi doono waxaanay u horseedi doontaa inay hankooda ka badheedhaan siyaasiyiin damac leh oo doonayaan in dalkan hogaamiyaan . 

Sidoo kale gudoomiye Ciro Ayaa Walaac Wayn ka muujiyey Tartanka Musharaxnimo ee Xisiga Wadani Taas Oo ay hoos u sii naaqusayso kalsoonida uu ka qabo in uu ka helo cod buuxa xubnaha Xisbiga iyada oo lagu sababaynayo guuxa badan ee ka jira xisbiga gudihiisa taas oo kaliya aanay ku koobnay musharaxa madaxweyne ee ay sidoo kalena ay jirto in xubno badan ay la gali doonaan tartan culus Kuxigeenka Xisbiga Wadani Md Seed oo isaga markii horeba la sheegay in aanay  qorshadaha ugu jirin  Gudoomiye Ciro in uu ka dhigto musharaxa madaxweyne Kuxigeen.

Isku Soo wada duub Arinta ayaan la saadaalin karin halka ay ku dambayn doonto, sidookalena waxaan lahubin in ay bakhtiin karaan xubnaha sheego in ay gadaal ka fadhiyaa majarahana u hayaan Gudoomiye Cabdiraxmaan.

Togaherer.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *