Ciidanka Dawladda Somaliya Oo Xalay Saqdii Dhexe Loogu Awood-sheegtay Xoog-na Lagaga Saaray Degmada Afgooye

Muqdisho (Raacdo.com):- Ciidamada Al-Shabaab ayaa xalay dagaal xooggan oo saf balaadhan ah ku qaaday degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ee dalka Somaliya.

Dagaalladan oo in muddo ah socday ayaa so af-jarmay saaka aroortii hore, waxaana la sheegayaa in saqdii dhexe ee xalay ay xoogagga Al-Shabaab u suurto-gasho in ay si buuxda ula wareegaan dhammaan xaafadaha degmada Afgooye iyagoo gacanta ku dhigay hub iyo gaadiid dagaal.

Dagaalkan oo aad u cuslaa ayaa ku fiday saldhigyo ciidamada AMISOM iyo kuwa DF-ku ku leeyihiin Lafoole, Carbiska illaa iyo Xaawa Cabdi, ciidamada Al Shabaab ayaa Afgooye kasoo galay illaa iyo saddex jiho oo kala ah Baar Ismaaciil, Mukayga iyo dhanka saldhigga.

Ciidamada Dawladda ayaa markii dagaalku ku cuslaaday isaga isaga firxaday magaalada, waxaana lagu warramayaa inay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo gaadhay ciidamadii dawladda ee gudaha degmada ku sugnaa.

Idaacadda Andalus ee afka xarakada alshabaab ku hadasha ayaa baahisay in saraakiil sarsare oo ka tirsanaa milleteriga DF-ka lagu dilay dagaalkii Afgooye isla markaana gaadiid dagaal oo qoryaha dhashiikahu ku xidhan yihiin laga qabsaday.

Sidoo kale dagaallo culus ayaa ka dhacay saldhig ciidan oo ku yaal deggaanka Laanta Buuro. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in saaka waaberigii hore ay ciidamada Al-Shabaab ay dib uga gurteen degmada Afgooye waxayna daabusheen bakhaaro hub ah iyo agabyo kale oo milleteri.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *