Ciidamo Maraykan Ah Oo Lagu Laayay Dalka Afganistan

Kabul (Raacdo.com):- Wararka ka imanaya dalka Afghanistan ayaa waxay sheegayaan in Lix Askari oo Mareykan ah ay dhinteen kadib markii weerar Naf-hurnimo ah uu ka dhacay degmada Beyti-Kuut ee Gobolka Nangahaar ee Bariga dalkaasi.

Qoraal kasoo kasoo baxay Afhayeenka Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid ayaa waxa uu ku sheegay in mid ka mid ah walaalaha Guutada Istish-haadiyiinta oo lagu magacaabo “Saciid”, isla markaana ahaa Arday Jaamici ah oo kasoo jeeda Gobolka Luqmaan in labadii duhurnimo ee maalintii shalay (Isniintii) isaga oo kaxeynaya gaadhi miineysan uu badhtanka u galay kolonyo ay la socdeen Ciidamo Mareykan ah.

Wararku waxay intaas ku darayaan in khasaare xoog leh uu soo gaadhay kolonyadii ay la socdeen Ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka, iyadoo uu gebi ahaanba bur buray gaadhi Taangi ah, halka waxyeello xooggani ay soo gaadhay gaadiidkii kale ee kolonyada ahaa, waxaana la xaqiijiyay dhimashada Shan Askari oo Mareykan ah, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan.

Ciidamada Mareykanka ayaa waxay bandow kusoo rogeen goobtii lagu weeraray ee degmada Beyti-Kuut ee Gobolka Nangahaar, waxaana goobta soo gaaray diyaarado helicopter ah, kuwaas oo daad-gureeyay Meydadka iyo dhaawacyadii Askartii ku waxyeeloobay weerarkaasi.

Weerarkan Naf-hurnimada ah ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horreeyay ee ka dhaca gudaha dalka Afghanistan, tan iyo intii maalmo ka hor ay Mujaahidiinta Daalibaan ku dhawaaqeen howl-galka xilliga Gu’ga, kaas oo ay ugu magac dareen “Hawl-gallada Al-Mansuuriyah” waxaana ay ka bilowdeen guud ahaan gobollada kala duwan ee dalka Afghanistan.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *