Ciidamada Suudaan Oo Khasaarihii Ugu Horeeyay Kala Kulmay Gudaha Yemen.

Cadan (Raacdo.com):- Warar ay baahiyeen warbaahinta qaar ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 askari oo isugu jira Yemeniyiin iyo Suudaaniyiin ay ku dhinteen qarax gaadhi miinaysan loo adeegsaday oo ka dhacay gudaha Cadan.

Ilo-wareedyo ka tirsan ciidamada amaanka ee Yemen ayaa laga soo xigtay in gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qarxiyay gudaha saldhig ay degganaayeen ciidamada isbahaysiga carbeed meel ku dhaw garoonka caalamiga ah ee Cadan.

Ugu yaraan 9 askari ayaa ku dhintay qaraxaas oo u kala dhashay wadamada Yemen iyo Suudaan. Sidoo kale waxaa lasoo warinayaa israsaasayn dhex-martay ciidamo ilaalinayay saldhigaas iyo gaadhi kale oo ay saarnaayeen xoogag hubaysan oo galbinaayay gaadhiga walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Tiro sax ah lama soo sheegin oo kaga dhintay ciidamada Suudaan qaraxaasi balse ciidamada Suudaan ayaa soo gaadhay dhulka Yemen sabtidii waxayna qeyb ka yihiin ciidamo ka socda wadamada Khaliijka ee garabka siinaya dawladda Yemen.

Qarax khasaaro lagu gaadhsiiyay ciidamada Imaaraadka oo horey uga dhacay Cadan waxaa sheegtay dawlada Islaamiga ah balse weli ma jiro qaraxan cid sheegatay mas’uuliyadiisa.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *