Ciidamada Somaliya Oo Hubkii Ugu Badnaa Laga Furtay Askartii Ugu Badnayd-na Laga Laayay.

Ciidamada Xarkada Al-Shabaab ayaa saqdii dhexe ee xalay weerar xoog-ku-gal ah ka fuliyay xerada Laanta Buuro ee duleedka Magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka Hordhaca ah ee kasoo baxaaya deggaanadaasi ayaa sheegaya in xoogagga Al-Shabaab ay cagta mariyeen dhammaan xerada isla markaana ciidankii ku sugnaa laga dhigay wax la dilay iyo wax baxsaday.

Ugu yaraan 73 askari oo ka tirsan ciidamada dawladda ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay weerarkii xalay ciidamada Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga Laanta-Buure, Iyadoo sidoo kalena lagu qabsaday gaadiid kala duwan sida lagu sheegay Telegram-ka Idaacadda Andalus.

Saraakiisha Al-Shabaab ayaa Warbaahinta Andalus u sheegay in xoogaggoodu ay dagaalkaasi kusoo qabsadeen 10 gaadhi oo u badnaa kuwa dagaalka iyo hub aad u fara badan.

“Waan qaniimeysanay dhamaan gaadiidkii iyo hubkii ku jiray xerada, cadowgiina waan gumaadnay, badankood waxaan ku dilnay xerada, tiro yar ayaana baxsatay” ayuu yidhi Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo la hadlay Idaacadda Andalus.

Gaadiidka kusoo dhacay gacanta Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay inay kala yihiin: Todobo gaadhi oo Cabdi Bile ah oo ay saaran yihiin qoryaha Dhashiikaha loo yaqaano, Hal gaadhi oo nooca raaxada ah, Hal Gaadhi oo Booyad ah iyo Gaadhi kale oo qoriga Teedhisaban-ku uu saaran yahay oo markii dambe la gubay kadib markii laga saari kari waayey god ku dhacay sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Al-Shabaab.


Saraakiishu waxay sidoo kale sheegeen in ciidamo yar oo fara ku tiris ah ay ka baxsadeen weerarka, isla markaana Ciidanka intooda badan lagu laayey xerada gudaheeda.

Ciidamada dawladda ayaa u firxaday dhanka degmada Afgooye balse badankood waxaa lagu baacsaday dhulka howdka ah, halkaas oo la sheegayo in meydadkoodu ilaa hadda uu daadsan yahay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *