Ciidamada Shisheeyaha AMISOM Oo Magaalada Muqdisho Ku Rasaaseeyay Gaadiid Dadweyne Saarnayeen.

Muqdisho (Raacdo):- Ciidamo shisheeye oo kolonyo ah ayaa rasaas culus oodda kaga qaaday gaadiid dad weyne oo taagnaa wadada Warshadaha, gaar ahaan isgoyska SOS ee magaalada Muqdisho.

Dad goob-joogayaala ayaa sheegaya in rasaastu ay haleeshay saddex baabuur, walow midkood ay rasaastu si xun ugu habsatay.

Ugu yaraan 3-qof ayaa ku dhimatay rasaasta, halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana ugu sii daran haweeney xaamilo ah oo dhaawaceeda loola cararay Cisbitalka SOS.

Ciidamada Shisheeye ayaa caadeystay inay rasaaseeyaan gaadiidka dad-weynaha, waxaana jirta in xilliyada qaar ay dabaabaadkooda dul-marsiiyaan shacabka iyo gaadiidkooda.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *