“Ciidamada Mujaahidiinta Si Buuxda Ayay Ula Wareegeen Hoteelka Saxafi..” Afhayeenka Hawlgallada Al-Shabaab

Muqdisho (Raacdo.com);- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ballaadhan oo ciidamada Al-Shabaab ay saaka ka wadaan Hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

War rasmi ah oo kasoo baxay afhayeenka hawl-gallada Al-Shabaab Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab ayaa lagu sheegay in mujaahidiintu ay si buuxda ula wareegeen gacan-ku-heynta Hoteelka Saxafi.

Abuu Muscab oo lahadlay idaacadda Andalus eek u hadasha afka xarakada Al Shabaab ayaa sheegay in ciidamadoodu ay holw-gal guuleystay ka fuliyeen Hoteelka Saxafi isla markaana ay qabsadeen dhammaan dhismaha Hoteelka.

“Allaahu Akbar Allaah-baa ku mahadsan mujaahidiinta geesiyaasha ah u suurta-geliyay in ay qabsadaan Hoteelka Saxafi oo murtadiinta iyo saliibiyiinta soo duushay ay deggenaayeen,muslimiinta waxaan ugu bushaaraynaynaa in Mujaahidiintu Hoteelka Seydareeyeen oo hadda ay wadaan Howl-gal gaar ah” Ayuu yidhi Abuu Muscab.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dhabarka dambe ee Hoteelka ay ka dagaallamayaan ciidamada AMISOM iyo ciidamada Dowladda Federaalka Somaliya.

Weerarkan ayaa ku bilawday gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu qarxiyay albaabka Hoteelka kadibna ciidamo la sheegay inay ahaayeen kuwo si gaar ah loo soo carbiyey oo ka tirsan xarakada Al-Shabaab ayaa gudaha Hoteelka u daatay, kuwaasoo lagu warramaayo inay laayeen dhammaan wixii ku sugnaa qolalka Hoteelka.

Wixii kusoo kordha Isha ku hay WWW.RAACDO.COM




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *