Ciidamada Kenya Oo Baabuur Lagaga Gubay Gobolka Jubbada Hoose

Muqdisho (Raacdo):- Wararka ka imanaya gobalka Jubbada hoose ayaa waxey sheegayaan in wadada xidhiidhisa degmada Dhoobley iyo deegaanka Taabto qarax culus lagula beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Kenya oo ku socdaalayay wadadaasi.

Qaraxan oo loo adeegsaday miinada meelaha fog laga hago ayaa waxey la kacday gaadhi Taw ah oo ka mid ahaa gaadiidkii ay wateen kolanyada Kenya ee qaraxa lala beegsaday. Waxaana la xaqiijiyay inuu si aad ah u burburay gaadhiga Taw-ga ah ee miinadu ay haleeshay.

Sidoo kale qaraxa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro ka tirsan askarta ciidamada Kenya kuwaasi oo la socday gaadhiga Taw-ga ee miinadu ay la kacday, iyadoo dhawaqa qaraxa laga maqlay deegaanno badan oo ku yaalla wadada xidhiidhisa degmada Dhoobley iyo deggaanka Taabto.

Ciidamada Kenya ayaa la xaqiijiyay in qaraxa kadib hawada ka saareen isgaadhsiinta deggaannada u dhaxeeya Dhoobley iyo Taabto si aan loo helin xogta rasmiga ah ee ku aaddan khasaaraha kasoo gaadhay qaraxaasi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *