Ciidamada Itoobiya Oo La Weeraray Lagana Gubay Gaadiid Dagaal

Muqdisho (Raacdo.com):- Wararka ka imanaya gobalka Gedo ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee shalay weerar dhabbo-gal ah loo dhigay kolanyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo ku socdaalayay duleedka degmada Baardheere.

Weerarkan aayaa si gaar ah uga dhacay deggaanka Ceel-cilaan oo ka mid ah deggaanada dhaca duleedka Baardheera’waxaana jira khasaara kala duwan oo Xabashida Itoobiya lagu gaarsiiyay weerarka dhabba galka.

Dadka deggaanka ayaa sheegay in weerarkani markii dambe dagaal culus isku badalay isla markaana ciidamada Itoobiya laga gubay labo gaadhi oo kala ah Uuraal iyo Cabdi Bile.

Sidoo kale dadka deggaanka ayaa warbaahinta u sheegay in askar ka tirsan ciidamada Itoobiya lagu dilay weerarka, waxayna ugu dambeyntii ciidamada Itoobiya dib ugu laabteen degmada Baardheere oo markii hore ay kasoo baxeen.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *