Ciidamada Itoobiya Iyo Kenya Oo Xalay Lagu Miray Gobollada Bakool & Jubbada Hoose

Muqdisho (RNN): Ciidamada Al-Shabab ee gobollada Baay iyo Bakool ayaa xalay dagaal culus ku qaaday difaacyada ciidamada Xabashida Ithoobiya ay ka sameysteen degmada Rabdhuura oo ka tirsan gobalka Bakool.

Hubka culus ayey xoogagga Al-Shabaab adeegsadeen dagaalkan, waxaanay ku garaacaeen difaacyada ciidamada Ithoobiya ee degmadaasi. Waxaana u suuro-gashay inay dhowr jiho ka galaan degmada Rabdhuura.

Dadka shacabka ee ku nool Rabdhuura ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dagaalkii xalay ka dhacay degmada uu ka mid ahaa dagaaladii ugu cuslaa ee ka dhacay Rabdhuure tan iyo markii ciidamada Xabashida duulaanka ku qabsadeen degmadaasi.

Ilaa hadda lama hayo xog rasmiya oo ku aaddan khasaaraha dagaalkaasi la dhacay magaalada Rabdhuure, maadaama xilli habeen ah ay ahayd,

Dhanka kale dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay fiidkii ciidamada Al-Shabaab iyo kuwa Kenya ku dhexmaray deegaanka Taabto ee gobalka Jubbada hoose.

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalkaasi ayaa waxey sheegayaan in ciidamada Kenya uu soo gaadhay khasaara nafeed iyo mid hantiyadeed. Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in ciidamada Al-Shabaab gudaha u galeen deegaankaasi.

Dagaaladaan xalay ka kala dhacay degmada Rabdhuura iyo deegaanka Taabto waxey qeyb ka noqonayaan dagaalada iyo weerarada joogtada ah ee ay la kulmaan ciidamada AMISOM ee ku sugan qeybo ka mid ah konfurta iyo bardhamaha dalka Somalia.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *