Ciidamada IS Oo Qabsaday Goobo Muhiim Ah Oo Ka Tirsan Suuriya.

Dimishiq (Raacdo.com):- War rasmi ah oo kasoo baxay Dawlada Islaamiga ah ayaa lagu sheegay in ciidamada mujaahidiintu la wareegeen 8 Bar Kantorool oo muhiim ah.

Warka Khilaafada ayaa lagu yidhi “Ciidamada Dawlada Islaamigu waxaa u suurta-gashay Alle fadligiis in ay la wareegaan 8 Bar-Kantorool, kuwaas oo muhiim u ahaa ciidamada nusayriga Asad”.

Baraha Kantorool ee ay qabsadeen dagaalyahannada IS ayaa dhaca wadada isku xidha magaalooyinka Xamaa, Xumus iyo Xalab oo dhamaan ka tirsan dalka Suuriya.

Weerarka lagu qabtay Baraha Kantorool ayaa ku bilawday sida lagu sheegay warka, Laba weerar oo Naf-hurnimo ah kuwaas oo ay fuliyeen Laba dagaalyahan oo ka tirsanaa ciidamada IS.

Hawlgalkaas ayaa lagu sheegay Warka Dawlada Islaamiga ah in lagu dilay Tobanaan ka tirsan ciidamada nusayriyiinta Bashaaral Asad, waxaana lagu gubay Saddex Gaadhi oo kuwa dagaalka ah.

Sidoo kale waxay mujaahidiinta IS qabsadeen Laba gaadhi iyo hub fudud sidaa ayaana lagu jaray isku socodka ciidamada Nusayriga ah ee magaalooyinka Xumus, Xamaa iyo Xalab Illaahay ayaa ku mahadsan ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay Dawlada Islaamiga ah.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *