Ciidamada AMISOM Oo Dhimasho & Dhaawac Ku Noqday Koonfurta Somaliya.

Muqdisho (Raacdo.com):- Faafaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarro dhabo-gal ah oo galabnimadii sabtida ka dhacay nawaaxiga deggaanka Ceel-wareegow ee gobolka Sh.hoose.

Inta la xaqiijiyay weerarkaasi 3 askari oo yugaandhiis ah ayaa ku dhimtay 5 kalena dhaawacyo halis ah ayaa soo gaadhay, hal gaadhi oo nooca xamuulka qaada ahna weerarkaasi ayaa lagu gubay.

Ila-wareedyo idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab ay heshay ayaa sheegaya in khasaarahu uu intaasi ka badan karo, maadaama qaar ka mid ah askarta dhaawacyada qaba xaalkoodu uu aad uliito.

Geesta kale qarax Bam gacmeed ah ayaa xalay lagu dhuftay isku imaatin ciidamada dawladdu ay ku sugnaayeen deggaanka Leego.

Khasaare badan ayaa ka dhashay weerarkaasi qaraxa ah inta la hubo saddex askari oo ciidanka dawladda ka mid ahaa ayaa ku dhaawacantay Bam gacmeedkii lagu tuuray.

Howlgallada ka dhanka ah ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM ayaa kusii badanaya goobaha ay kaga sugan yihiin Sh.hoose.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *