Ciidamada Al Shabaab Oo Qabsaday Deggaan Kaabiga Ku Haya Magaalada Beled-Weyne

Muqdisho (Raacdo):- Kadib dagaal culus oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deggaan kaabiga ku haya magaalada Beled-weyne ayay ciidamada shabaabul Mujaahidiin ugu suurto-gashay in ay qabsadaan goobihii lagu dagaallamay.

Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Al-Shabaab ay ciidamada DF-ka ka qabsadeen deggaanka Ceel-muslim Ex.Ceelgaal oo 15KM u jira magaalada Beled-weyne.

Wariyeyaal Idaacadda Al-Shabaab uga soo warrama gobolkaasi ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan mujaahidiinta Al-Shabaab ay dadka deggaanka kala hadleen goob fagaare ah.

Deggaanka Ceel-muslim ee dagaal-yahannada Al-Shabaab qabsadeen ayaa ah meel istiraatiijiya, waxaanu kala qeybiyaa Kalabeydhka iyo magaalada  Beledweyne.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *