Ceerigaabo: Agaasimaha Ciyaaraha Oo Tababar U Qabtay Dhallinyaradda Gobollka Sanaag

Hargeysa (Codka Somaliland)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) oo ay weheliyaan Agaasimaha waaxda Dhallinyaradda Cumar Cali Cabdi (Sayid Cumar), Afhayeenka wasaaradda Samatar Maxamed Cabdilaahi iyo Isu-duwaha wasaaradda ee heer goboll Maxamed Siciid (Dhaga-yare) ayaa magaalo madaxda gobollka Sanaag ee Ceerigaabo tababar ugu qabtay qeybaha kala duwan ee dhallinyaradda gobollka Sanaag, sidoo kalena qalab Sports guddoonsiiyay bahda ciyaaraha.

Tababarkan oo ay iska kaashadeen Hay’adda Unicef iyo wasaaradda Dhalinyaradda iyo ciyaaraha ayaa socday hal maalin, waxaana ujeedadiisu ahayd sidii dhallinyaradda Gobollada dalka loo gaadhsiin lahaa siyaasadda dhalinyaradda ee ay hore u ansixiyeen gollaha wasiiradda Somaliland iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa wax qabadka dhallinyaradda. Tababarkan oo uu casharadda bixinayay Agaasimaha waaxda Dhallinyaradda ee wasaaradda Sayid Cumar, waxaa ka soo qeyb-galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Isu-duwaha wasaaradda ee gobollka Sanaag, Guddoomiye Xigeenka Dalladda Sonyo, qaar ka mid ah Isu-duwayaasha gobollka, xildhibaanadda gollaha deegaanka degmadda Ceerigaabo, aqoon yahano, bahda ciyaaraha iyo qeybaha kala duwan ee dhallinyaradda gobollka.

Ugu horeyn waxaa tababarkaasi furay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Maxamed Xuseen (Dhabeeye), waxaana uu ku dheereeday tababarkan iyo faa’iidada uu leeyahay dhalliyaradda kala duwan ee gobollka waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Waxaanu aad ugu faraxsanahay inaanu tababar ku saabsan sidii dhallinyaradda dalka loo gaadhsiin lahaa siyaasadda dhallinyaradda aanu idiin qabano idinkoo ah dhallinyaradda gobollka Sanaag, waad ogtihiino maanta dhallinyaradda waxaa loo sameeyay sanduuq u gaar ah oo uu madaxweynuhu uu noqday qofkii koowaad ee gacan ka gaysta, maanta Somaliland waxaad la socotaan inay dhallinyaro baddan taladii dalka ay qeyb muhiim ah ka yihiin oo hadii ay wasiiro noqoto, agaasimeyayaal noqoto, guddoomiyeyaal noqoto, maareeyayaal noqoto ay intaba ka muuqdaan, iyada oo ay sidaas tahay haddana waxaan rabnaa inaan sii dedaalno oo hiigsigeena intaas ka sii dheerayno” ayuu yidhi Agaasimaha guud.

ceerigaabo

Ciyaaraha

Waxaa kale oo uu gobollka Sanaag u ballan-qaaday in wasaaradu ay ku yeelan doonto dhisme xafiisyo u noqda wasaaradda, waxaana uu yidhi “Waxaanu ballan-qaadaynaa oo aanu dhiiranaynaa inaanu magaaladda Ceerigaabo ku yeelan doono dhisme xafiisyo wasaaradda u noqda taas oo masuuliyiinta wasaaradu ay ku shaqeeyaan, iyo sidoo kale inaanu dhisi doono garsoorayaal iyo tababarayaal xirfad fiican leh oo aanu tababarno oo gobollka iyo ciyaartoydiisa anfacda imika iyo mustaqbalkaba” ayuu hadalkiisi ku soo gunaanaday.

Sidoo kale waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay oo soo dhaweeyay tababarkan iyo qalabkan kala duwan ee Sports ee la guddoonsiiyay dhallinyartii ka qeyb-gashay, waxaana ay wasaaradda uga mahad-celiyeen inay Isu-duwe uga dhigeen nin dhallinyaro ah oo dedaal iyo karti baddan muddadii uu joogayna wax qabad muuqda la yimid. Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyiintii ka soo qeyb-galay oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiye xigeenka dallada dhallinyaradda Sonyo Wacays Cadami, Isu duwayaasha Waxbarashadda iyo Deegaanka, waxaana ay si isku mid ah uga mahad-celiyeen Agaasimaha guud iyo wasaaraddaba ka war-haynta ay ka warhayanaan gobollka Sanaag, iyo qalabka ay ugu deeqeen. Ugu dambeyntii waxaa tababarkaasi soo gunaanaday oo qalabkii Sports ku wareejiyay Isu-duwaha wasaaradda ciyaaraha gobollka Sanaag Agaasimaha guud Maxamed Dhabeeye.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *